Waxaan halkan idiinku soo bandhigayaa , wareysi dheer oo dhexmaray aqoonyahan Abukar Albadri iyo gabadha Jiniga ah ee magaceeda la yidhaahdo Reymaa, taas oo ka tirsan degganayaasha Magaalada Muqdisho ee jinniga ah, gaar ahaan kuwa xaafadda Liido ee degmada Cabdulcasiis.
Wareysiga qeybtiisa labaad waxaa uu inoo marayey aniga oo Reymaa weydiinay su’aal la xiriirtay hantida ay leedahay iyo inta ay la eg tahay, qeybtan 3aad waxaa ay inooga billaabaneysaa isla su’aashii iyo jawaabteeda, waana sidan.
Su’aal: Adiga hantida aad leedahay intey la ektahay?
Reymaa: Haddii aan runta kuu sheego jinniga dadka ugu hantida yar ayaan ka mid aha, hase yeeshee haddii loo eego insiga hanti badan ayaan leeyahay, Xitaa Milkiilayaasha Hormuud iyo Dahabshiil ee Sheekh Axmed-Nuur Jimcaale iyo Cabdirashiid Ducaale waan ka hanti badnahay, xoolo nool, hanti guryo ah, dukaamo waaweyn oo ganacsi iyo maraakiib ayaan leeyahay, laakiin ogow ma doonayo in aan hantideyda tuso shan faroodle, waayo shan faroodle dhac iyo boob ayaa ka soo haray. Lagama yaabo in Jinni uu jinni kale xoolihiisa uu damaaciyo amaba dhaco, shan faroodle aniga ayaa arkay iyaga oo is dhacaayaan.
Su’aal: Hagaag! Hantidaada waad ii sheegtay, lagaamana dhacayo oo kaama sheegayo, balse haddii aan ku weydiiyo arrimo qoyskaaga ku saabsan dhib miyaad u aragtaa?
Reymaa: Dhib uma arkayo ee soo daa.
Su’aal: Aabahaa magiciisa waad ii sheegtay, waa Haguuf al Si’lat haddii aanan qaldaneyn, bal waxaad ii sheegtaa hooyadaa magaceeda, iyo walaalahaa magacyadooda qaar ka mid ah, si ay dadka u fahmaan noocyada magacyada ee aad baxsataan?
Reymaa: Hooyadey waxaa la dhahaa Ruuxaani Heykal al Si’lat, waa BAAC-WALE, idinka baac-wale waxad dhahdaan injineer, hooyadey jidadka Soomaaliya ee jinka ka isticmaalo caasimadda badankii iyada ayaa dhistay, jidka buundooyinka badan ee loogu magacdaray Janaraalkii aasaasay Ciidanka Xoogga jinniga Soomaaliyeed Janaraal Shumac Shuu Shu xitaa iyada ayaa dhistay, sawirkan eeg, afartan jid ee is korsaaran iyada ayaa dhistay waana bartamaha caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Walaashey aan aad u jeclahay ee mataanteyda ahna waxaa la dhahaa Ru’yatul Ceyn, waxay ku taqsustay cilmiga cirbixiyeennimada, waa qof aad ugu dheereysa garashada cilmiga xidigiska, waa qof mucjiso ah oo karti badan, mar ay meerayaasha jirto iyo mar ay dhulbaraha toobeyso iyo mar ay kubadda jilibka dheeleyso uun waaye. Walaalahey inta kale ma doonayaan in aan magacyadooda u sheego shan faroodle, waayo hawada insiga uma soo deggaan inta kale, magacyadooda in lagu sheego hawo aan tan jinniga aheynna ma ogola.
Su’aal: Kubadda jilibka maxaad ula jeeddaa?
Reymaa: Anaga kubadda cagta ma dheelno, waxaan dheelnaa kubadda jilibka, Janaraal Shumac Shuu Shu wiilka uu awowga u yahay ee Duuriyaa la dhaho ayaa ugu laacibsan, xitaa Ronaldo iyo Messi waxba uma oga, 400 oo kubadda dahabka ah ayuu qaaday, 500 sano ee la soo dhaafay isaga ayaa ugu laacibsanaa horyaalka kubadda Jilibka Soomaaliyeed.
Su’aal: Walaashaa Ru’yatul Ceyn adiga ayaa iskeen bartay oo waa gabar aad u wanaagsan, dhabtiina waan doonaye in aan la sheekeysto, habeenkii aad i bartay ee aan dabaqa saree e Hotelka Jazeera iskula shaaheynay ka soke ma aan arkin, mar aan Facebook iskula hadalnay waxay ii sheegtay in ay Kismaayo joogto, kaddibna waan waayey, halkey hadda ku danbeysaa, Kismaayo miyey deggan tahay mise safar uun bey ku joogtay?
Reymaa: Ru’yatul Ceyn Kismaayo ma deggana, balse markii aysan meerayaasha hawl u jirin ayey meeshaas isaga nasataa, guri weyn oo qasri ah ayey Kismaayo ku leedahay, meel u dhexeysa Xeebta iyo Madaxtooyada Axmed Madoobe, meeshaas ayey isaga nasataa. Sababta ay meeshaas u aaddo haddii aay kuu sheego waxaa jira wiil ay suurihiisa aad uga hesho oo reer Kismaayo ah, halkaas ayuuna ku nool yahay, hoteel Kismaayo ku yaal ayuu ka shaqeeyaa, marka inta badan waqtigeeda waxay ku qaadataa Kismaayo si markii ay u baahato ay wiilkaas sheedda uga daawan karto iyada oo fadhida barandada qasrigeeda.
Su’aal: Wiilka isaga ma yaqaanaa walaashaa Ru’yatul Ceyn, mase og yahay in ay jeceshahay?
Reymaa: Ma yaqaanno, marar badan ayey isku dayday in ay isbarto, balse waxay ka baqday in uu waasho, waayo waa qof aad u qalbi jilicsan oo aan lagu deg degi karin. Aniga ayey ila tashatay, waxaan ku iri u sug inta uu ka gaarayo 30 jir, markaas ayey ragga qalbi adeyg billaabaane, markaas ayey billaabi doontaa in ay dareensiiso in ay jirto gabar aan shan faroodle aheyn oo jaceyl u ugu heysa kasha iyo laabta, waa iska dhibaato in gabar aan kugu uumis aheyn ay ku jeclaato, haddase qadartii baa dhacdaye maxaa la sameyn karaa.
Su’aal: Siduu ku billowday jaceylka Ru’yatul Ceyn ay u heyso wiilkaas, magiciisa ma ila wadaagi kartaa?
Reymaa: Wiilka magiciisa ma sheegayo, waayo in ay dadka qalad ka fahmaan ama uu isaga sas ku dhaco ma doonayo, balse sida ay ku jeclaatay walaashay ayaa aheyd in wiilka ay hooyadiis aad u jecleyd markii uu yaraa, markii ay wiilkeeda eegeysana waxaa ay u eegi jirtay si aad raxmad u leh oo aysan ka fikirin in ishaas raxmadeed ee tirade badan ay wiilka dhibaato ku noqon karto.Habeen habeenada ka mid ah wiilka hooyadiis ayaa waxaa ay daawaneysay wiilkeeda oo dhawr bilood jir ah oo hurda, raxmadda qalbigeeda ka buuxday darteed ayey illin ka timid hooyadii indhaheeda, waayo waa curadkeeda, wayna jeceshaya, kaddibna illintaas iftiinkeeda ayaa walaashey oo xeebta Kismaayo iska mareysa indhaha ka cawirtay, markii ay soo eegtayna waxaa ay aragtay hooyadan wiilkeedii jaceyl dartiis ugu kor ilmeyneysa hadda aan is ogeyn oo illintii aan iska masaxeyn.
Ru’yatul Ceyn waa qof ahlu diin ah, wiilkii illintii waa ay ka tirtirtay, si aysan illintaas il qumayo wiilka ugu noqon, kaddibna wiilkaas illaa yaraantiisii ayey iska jecleyd oo xaaladiisa ayey sheedda kala socon jirtay, sidaas ayuu qalbigeeda ugu dhismay caashaqa qalbigeeda buux dhaafiyey ee Kismaayo dejiyey.
Aniga hooyooyinka Soomaaliyeed waxaan kula talin lahaa in mar walba oo ay il qooraansi ku sameynayaan ilmahooda yar ay dhahaan Maashaa ALLAAH! Waayo hooyada isheeda ayaa canugeedii ku noqon kartaa dhib, balse iyada ma dareemeyso.
Su’aal: Hooyada Soomaaliyeed ee qoraalkan aqrin doonta si ay taladaada uga faa’iideysato maxaad kula talineysaa in ay sameyso, dabcan waxaan ka hadlayaan marka ay ubadka xanaaneyneyso?
Reymaa: Horta hooyo walba ha ogaato marka ay canugeeda il naxariis leh ku eegeyso waxaa ay boggeeda ka dareemeysaa belbel yar oo jaceyl iyo naxariis dartood ah, marka ay sidaas dareento waa in ay tiraahdaa Maashaa ALLAAH, waa in ay dhahdaa Subxaanaka Yaa Cadiim, waa in ay dhahdaa Yaa ALLAAH, Yaa Raxmaan, Yaa Raxiim, waxaa kale ee aan kula talin lahaa in ilmaha yar la ag dhigo rikoor ama teleefoom uu ka shidan yahay quraan, waayo Quraanka Shayaadiinta way ka cararaan, ishana wuu ka celiyaa ilmaha, qalbiga canugana wuxuu ku reebaa saameyn uu canuga ka faa’iideysto marka uu yara koro oo dugsiga la geeyo. Waayo quraankii markii uu yaraa loo shidi jiray ayaa qalbigiisa ku suureysan oo ka caawinaya xafidaada.
Su’aal: Waa talo wanaagsan, waxaa laga yaabaa in ay dadku is weydiiyaan Reymaa iyadu diin noocee ah ayey heysataa, bal maxaad kaga jawaabeysaa?
Reymaa: Alxamdu Lillaah! Soo iima jeedid sida aan u asturnahay, Rabbi SW ayaa inoo nimceeyey, aniga iyo dhammaan ehelkeyga waxaan nahay Muslimiin, Ilaah iimaanka ha inagu dilo, aakhirana Janno ha ina geeyo.
Su’aal: Aamiin! Mahadsanid marka hore taladaada wanaagsan, haddii aan u soo laabto arrintii wiilkii ay walaashaa jecleyd, isaga wali ma arkay walaashaa, xitaa yaraantiisiiba ha ahaatee?
Reymaa: Yaraantiisii haa, laakiin markii uu 2 sano soo kaaray kaddib ma arkin. Walaasheey Ru’yatul Ceyn waa ay ciyaarsiin jirtay wiilka isaga oo yar, weliba hooyadiis ma dareemi jirin in wiilkeeda ay gabar kale oo aan ku uumis aheyni ay u ciyaarsiineyso. Isagana waa ilmo yar oo aan jinni iyo insi kala garaneyn oo wuu iska ciyaari jiray, ciddii ciyaarsiiso ayuu u qoslaa canugga yar, Soomaalidana waxaa ay dhahaa malaa’iigta ayaa ka qosolsiisay, marka walaashey waa qof Muslimad ah oo in ay ciyaarsiisa mooyee aan ugu imaaneyn in ay dhibaateyso canugaas yar ee sebiga ah. Markii uu wiilka garaadsi billaabay waa ay ka joojisay in ay is tusto, waayo maskaxdiisa ma xamili karto in ay xafiddo muuqaalkeeda.
Su’aal: Gartay, waxaad mar iga ballan qaaday in aad iiga sheekeyn doontid gabdhaha Soomaaliyeed ee dhaha wiil jinni ah ayaa iga kor hadlay, bal hadda fursaddaas ma heleysaa si aad iigu taabato?
Reymaa: Maya, taas wareysiga kale inooga dhig, waayo aniga ayaa muursaaqsan hadda, si baan u muursaaqsanahay.
Su’aal: Muursaaqsan maxaad ula jeedda?
Reymaa: Raalli noqo, waan bir tolanahay ayaan ula jeedda?
Su’aal: Weli kuma fahmin, waan bir tolanahay maxaad ula jeeddaa?
Reymaa: Soonaalida shan faroodlaha ah waxaa ay dhahaa "Geeleygii baa cirka lagu maalayaa" sidaas camal o oaf jinni ah waaye, markii xaaladdu si kaa tahay oo qof kale wax kaa qasooyo ayaan dhahnaa waan muursaaqsanahay ama waan bir tolanahay.
Su’aal: Hadda maxaa lagaa halleeyey ama lagaa bi’iyey?
Reymaa: Nin yahow ninkii baas soo uma jeedid, kii aan jeclaa baa naagtiisii min yarada la jooga qolka jiifka, ma wayna isku sar go’an yihiin oo waxaad mooddaa gacnihiisa in ay jirkeeda ku sameynayaan kormeer hawleed heer qaran ah, min tin illaa cirib buu gacanta mariyey iyaduna hamuun darteed miyir beel bey isku rideysaa, dey afkeeda, bal day sidey tiraahdo, turufo-toorad, kan qalbiga inta ka dheg qaadday ayey guntiisa ka degtay, sida aan kaga soo saari doono ma ogi.
Su’aal: Reymaa raalli noqo, jirkaagii oo dhan baa jareeyey, indhahaagiina qaac cad baa ka baxaya, aniga waan baqay, waxa aad ka sheekeyneyso uma jeedi, bal is deji aan wareysiga qeybtan uun dhameynee, waa iga codsi.
Reymaa: In yar ii kaadi, halkan ii fadhi Abukar Albadriyow, waa in aan badda gunteeda ku soo guux-haftaa, haddii kale waa is gubaayaa.
Su’aal: Reymaa, halkeed aaday, war ku aaway, kuuma jeedo? Mmmmhhh… Abidkey tan oo kale?
Reymaa: Waa i kan, raalli noqo 10kii daqiiqo ee aan kaa maqnaa, badda Ruushka ayaan tagay si aan barafka badweyntaas isugu soo guux-hafiyo, waayo waan guban lahaa haddii kale. Naagtan sidan iiga maseyrsiisay waan iska dhicin lahaa, ee marna ma gefto in ay Acuudu billeysato, iyo in ay Alxamdu Lillaah tiraahdo marka ay hawsha odeygeeda ka bogato, isagu waa neef caadi ah, bisinka uun buu mararka qaar haleelaa mooyee uma adkaar badna sida naagtan baas, naagaha kale xitaa waxaa ay kaga kasbatay waxaa ugu badan adkaartan, waayo waligey ma arag iyada oo inta bisinka hilmaanta uu sheydaanka wasaqdiisa ureysa uu korkeeda ku shubayo, waa naag caqli badan.
Su’aal: Gabdhaha insiga ah waxaa ku dhaca dhiig loo yaqaano caado, idinka ma idinku dhacaa jinni ahaan?
Reymaa: Anaga gabdhaheena jinniga dhiigga caadada bedelkiisa waxaa nagu dhaca haduufaan, haduufaanku waa dheecaan sanka ka yimaado oo ur badan, kaas oo gabadha jinniga ah u diidaya in uu nin u dhowaan karo inta uu haduufaanka hayo, balse marka aan muuqaalka insiga isu soo ekeysiiyo xitaa haddii uu haduufaan i haayo la igama garan karo, waayo muuqaalkeygii iyo dheeheygiiba waa bedelmayaan.
Su’aal: Gabdhaha jinniga ah imisa ayey uurka sidaan marka ay uureystaan?
Reymaa: waxay ku xiran tahay nooca jinniga, qabiilkeyga Si’lat waxaa ay hooyada uurka leh siddaa 12 bilood kaddibna 30 ilmo ayey dhaleysaa, balse qaar waxaa jira bishiiba 1000 ilmo dhalo sida shayaadiinta.
Su’aal: Soomaalidu waxay leeyihiin maahmaahyo jinniga ku saabsan, tusaale waxay dhahaan "Jinniba miirkiisa wuu qabaa" "Jinni ninkii keena ayaa bixiya" iyo "Jinni ka carar mooyee u kaadsi ma leh" idinka maxaad dhahdaan?
Reymaa: Waxaan dhahnaa "Shan faroodle sheekadiis faan waaye" waxaa kale oo aan dhahnaa "Dhoocil insi dhubuq dhubuqdeeda ayaa dharbaaxo jinni u keenta" waxaa kale oon dhahnaa "Jaceyl insi kaa galay iyo jid cirka lagu beegay midna lagama guul gaaro"
Su’aal: Dalka Soomaaliya wuxuu ka kooban yahay 18 gobal, haddana maamul gobaleedyo ayaa ka jira oo Federaal ayaa laga dhigay, jinniga isagana ma isla sidaas buu 18 gobal u leeyahay mise waad ka duwan tihiin insiga Soomaaliyeed haddii aad tihiin jinniga Soomaaliyeed?
Reymaa: Goballo ahaan anaga waan ka duwan nahay, waayo anagga Soomaali Weyn ayaa inoo dhisan haddii aan jinniga Soomaaliyeed nahay, Kenya iyo Itoobiya Insiga uun bey dhulka ka heystaan mooyee jinni ahaan Gaarisa iyo Godey magaalada Suufaadiin ayaa laga xukumaa, gobalada Soomaaliyeed ee jinnigu waa 27 gobal.
Su’aal: Suufaadiin maxaad ula jeeddaa?
Reymaa: Hahahaha… in aad jinni tahay ayaan kuu maleynaayey Abuukarow, Suufaadiin waa Magaca Muqdisho ay jinniga u yaqaanaan.
Su’aal: Gobalada Soomaaliyeed ee jinniga magacyadooda ma ii sheegi kartaa?
Reymaa: Suufaadiin (Banaadir), Leymuudiin (Shabeelada Hoose), Samuudiin (Shabeelada Dhexe), Barkadlediin (Baay), Keerlediin (Bakool), Samuurdiin (Gedo), Dharaasdiin (Jubada Dhexe), Biyodiin (Jubada Hoose), Raasdiin (Hiiraan), Taqiyudiin (Galgaduud), Reyxaanudiin (Mudug), Maasdiin (Nugaal), Raasamiinudiin (Bari), Laasudiin (Sool), Teeludiin (Sanaag), Wannudiin (Togdheer), Naasudiin (W. Galbeed), Awlediin (Awdal), Suunbuuli (Qoraxay), Shaahshaah (Shabelle), Kaamilnuun (Godey), Xadiisuuni (Baali) Ganaane (Doolow), Saan-rasuul (Mandheera), Kaamuunsan (Gaarisa), Baaxuuriin (Wajeer), Liifeeliin (Tana River), waa 27kan gobal Soomaaliya.
Su’aal: Soomaaliyada insiga waxaa Madaxweyne ka ah Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Waxaa Ra’iisal Baarlamaan ka ah Md. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaa Ra’iisal wasaare ka ah Md. Xasan Kheyre ee jinniga ma nadaamkaas uun buu leeyahay oo madaxdaas ayaa madax u ah, mise maamul u gaar ah ayuu leeyahay jinniga Soomaaliyeed?
Reymaa: Tani waah awl dheer, anaga Madaxweyne iyo Ra’iisal Wasaare iyo Baarlamaanka aad sheegeyso ma qabno, sheekadan halkan igaaga jooji, wareysiga qeybtiisa kale ee Axadda inooga dhig, waad I daalisaye, indhaha isku qabo si aan kaaga tago (Nabadeey….)…. Fadlan ….. La soco qeybta 4aad Axadda Soo socota.
Haddii aad heyso talo, fikir ama dhaliil ku soo hagaaji abukar.albadri@gmail.com
No comments:
Post a Comment