SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Adeegsiga Qabyaladda ma layarayn karaa?

Sida aynu og nahay maamulkii Kacaanku waa kii beri yidhi: "Qabyaaladdii waa la dilay, waana la aasay!" Arrintaa waxa lagaga dooday taxanihii Deelleyda, oo xertii Deelleyda qaar ka mid ahi waxa ay ku doodi jireen: "Bahashii waa la duugay waa horee yaan la soo hadalqaadin". Rag kalena waxa ay la yaabi jireen in nin Kacaanka tolnimo ku taageeraya ama wax kaga helayaa uu isla soo taago: "Qabyaaladi ma jirto waana la duugay ee ninka ku dooda in ay waddanka qabyaaladi ka jirto isaga ayaa wax kale wada!"

Maansayahannadii waaweynaa ee Deelleyda ku jiray mid ka mid ah oo xilliyadii u danbeeyay ee ay silsiladdu joogsan doonto soo galay, waa Cabdulle Raagee, ayaa tix uu lahaa ku sheegay in qabyaalad la dilay aanay jirin ee xaaladda looga sii daray. Wuxu ku metelay majaajilada ah "Qabyaalad baa la dilay" sida mas dabada laga jaray oo aan la dilin oo kale.

Mas haddii dabada laga jaro oo aan la dilin waxa ay ka dhigan tahay in la cariyey oo uu halis weyn geysan karo, nabadina aanay meeshaas oollin. Sidaas ayey bahashii la cariyey u sababtay burburkii kama-danbaysta ahaa ee ku dhacay dalkii beri la isku odhan jiray "Soomaaliya".

Haddaba qabyaaladdu waa wax hawl badan oo aan lahayn meel ay ku dhammaato. Dakharka qabyaaladeed ee qofka dhakada kaga dhici karaa in uu qabiil kale ka iman karo iyo in uu xagga tolka ka iman karo midna lama sii malayn karo. Sidaa darteed qabyaaladdu waa wax halis ah oo meel loogu hagaago aan lahayn!

Waxa la odhan karaa, aragti ahaan, adeegsiga qabyaaladda waxa kor u qaada baahiyaha kala dudduwan ee dadweynaha. Haddii uu dadweynuhu arko baahiyihiisii oo wax laga qabanayo iyo xeerarkii dalka u yaallay oo si fiican u shaqaynaya, danihiisa ayaa uu raacanayaa oo cidina durbaan qabiil ku kicin kari mayso.

Markaa dhibaatada qabyaaladda waxa yarayn kara oo keli ah waxqabad heer xukuumadeed ah. Maaddaama ay aafadani mid joogto ah tahay waxa fiican in waxqabadkaa aynu soo sheegnayna uu joogto noqdo, haddii kale mar kasta waxa ay heli kartaa fursad ay kor ugu soo kici karto kuna xoogaysan karto.

W/Q: Axmed Iid Aadan

No comments:

Post a Comment