Sheekadan waxaa ka sheekeeyey Ninkii isagu guursaday gabadha Jinka ah ee Aamina Suldaan,waxa laga yabaa in iswaydisaan su'aal ah sidee ayay isu guursan karaan nin Insi ah iyo gabadh Jin ah? hadiiba ay dhacdo in ay isguursadaan qaabkee ayay u wada noolanayaan? midda kale caruurta ay dhalaan ma Insi ayay noqonayaan misse caruur Jinni?Waxaasi oo dhan waxa aynu kaga boganaynaa sheekadan.
La soco qaybta 2-aad isla sheekadan.
Sheekadan waxaa si layaableh uga sheekaynaaya isla Xasan Olol oo ah ninka qaba Aamina Suldaan oo ah gabadha Jiniga ah,waana sheeko runtii aad u xiiso badan waxyaabo badana aad looga faa'idaysan karo.
Xasan Olol Jaamac waxa uu guursaday gabadh Jin ah oo la yidhaahdo Aamina Suldaan, laakiin Xasan Olol Jaamac waxay qisadani yaabka lihi ku dhacday oo ay la kulantay sannadkii 1948-kii, sheekadaasi Xasan Olol Jaamac marar hore oo dhowr ah ayuu ka sheekeeyey, ka dib markii ay waraysiyo la yeesheen qaar ka tirsan warbaahinta dalka ee kala duwan, wuxuuna Xasan sheegay inay naagtaasi jinka ahi u dhashay 14-caruur ah, laakiin Xasan Olol Jaamac waxa uu hadda ku sugan yahay oo uu joogaa magaaladda Hargeysa, sidaasi daraadeed ayuu Xasan Olol Jaamac uga sheekeeyey qisadaasi ku dhacday iyo naagtaas jinka ah ee uu guursaday, iyada oo ay Xasan Olol Jaamac hadda da’diisu tahay 70-jir.
Xasan Olol Jaamac isaga oo ka sheekaynaya bilowgii sheekada iyo sidii uu ku guursaday ee ay u kulmeen naagtan jinka ah wuxuu sheekadiisa ku bilaabay (Waxaan joogay magaaladda Xiis, ka dibna wiilal ayaa ka yimid magaaladda Berbera, markaasi ayaan ku idhi "Maxaad ka shaqayn jirteen", waxayna ii sheegeen inay maraakiibta xoolaha qaadda ka shaqayn jireen, markaas ayaan ku idhi "Xagee Berbera loo maraa", waxayna igu yidhaahdeen "Xeebta ayaa loo maraa amaba doon ayaa la raacaa".
Muddo yar ka bacdi anniga oo abtigay la jooga magalada Xiis ayaan ku is idhi Berbera u shaqo tag, ka dibna abtigay ayaan u sheegay, waxaanu igu yidhi "Doonyuhu ha yimaadeen, dooni ayaan ku saari doonaaye", waayo berigaasi gawaadhi ma jirin oo doonyo ama safaro lug ah ayaa Berbera lagu tegi jiray.
Hadaba waxa aan Abdigay u sheegay in aan haysto safaro aan raaco", abtigayna waayahay ayuu igu yidhi, ka dibna inta uu dukaan I geeyey ayuu ii soo iibiyey laba go’, timir, sonkor iyo bariis aan sahay ka sii dhigto, isla markaana waxa uu I siiyey laba rubadood oo ah lacagtii (Indian Money) la odhan jiray, laakiin safaro ma jirin oo waxaan abtigay u sheegayey been aan kaga baxsado’e.
Akhriste habeenkii oo dhan ayaan waaga berigiia ilaalinayey inta aan sahaydaydii madaxa dhigtay, ka dibna markii daakiraadii salaadda subax lagu dhuftay ayaan albaabka iska furay anniga oo abtigay ka dhuumanaya, waanan dhaqaaqay waxaanan qaaday waddada xeebta ee dhinaca Berbera u baxda, waagaa nin dhaliyaro ah oo laba lugood ku orda oo iga dheereeyaa ma jirin, sidaasi darteed marna waan ordayey marna waan tallaabsanayey.
Hadaba goor ay makhribkii tahay ayaan arkay gabadh badda ku dabbaallanaysa oo dharkeedii iyo alaabteediina ay bannaanka taallo, markaas ayaan is idhi qoodh iyo xero gabadha quruxdaas leh ee cidladaasi joogta beerka kaga deg.
Waxa kaloo aad xasuusnaantaan in aad dabaasha si fiican u aqaano oo aan kusoo bartat Degmada Xiis , ka dibna dharkii iyo sahaydii ayaan dhigtay oo baddii ayaan galay oo biyihii ayaan quusay, markaasaan labadeedii lugood dhexdooda ka soo baxay, dabadeedna inta aan mudh biyihii ka soo idhi ayaan iyadii shax ku siiyey, dabadeedna markii aan biyihii ku saydhay ayey igu tidhi "Waar dee baddaa dabbaallo oo iga durug maxaad hoosta iiga soo galaysaa", dabadeedna markaasaan ku idhi "Aynu wada dabbaallano", waxay iigu jawaabtay "Waxba ila dabbaallan maysid ee badweyn baad joogtaaye geestaada ka gal oo iga durug".
Ilayn aniga danni ayaa iga hayee inta aan dib uga durkay oo sida hoonbarada isu rogay ayaan shaanbad cidhibta ku dhuftay, si aan uga cadhaysiiyo oo ay iila dagaalanto, markaas ayaan isa soo hortaagay, dabadeedna inta ay timihii dheeraa I qabatay oo biyihii illeyn iskama ay kay dilaynoo lexo-jeclo ayaa iga haysaye, markii aan hal mar cantuugay biyihii ayey I sii daysay, ka dibna waxa ay igu tidhi "Waar ma badda ayaan kugu bakhtiiyaa mise baddaad geestaada kaga dabbaallan", annigu illayn dagaalkii aan doonayey ayaa cusboonaadaye waan isku soo qaaday, teeda kale waxaan moodayey gabadh Insi ah manaan moodayn gabadh Jin ah inay tahay.
Weligay jinow sheekana kuguma maqal shaahidna kuguma arag, gabadhaasi mar kale ayey haddana badda I quusisay, laakiin markii aan biyihii hal mar cantuugay ayey I sii daysay, dabadeedna waxaan is idhi naagtan badda kaga adkaan mayside ee berriga ugu bax, ka dib intaan baddii ka baxay ayaan guntiga giijistay oo aan waliba gaabsaday, go’ii kale ee aan tuurta ku sitayna dhexda ayaan ku xidhay, budhkii aan sitayna labada gacmood ayaan ku qabsaday oo waxaan u diyaar garoobay dagaal.
Hadaba markii ay baddii ka soo baxday ayey iyadoo aan kala jeclayn inaan dad ahay iyo inaan duunyo ahay oo laafyoonaysa oo biyihii timaheeda ka daadinaysa oo shax-shaxda kaga siinaysa ayey iskay soo ag-taagtay markaasi ayaan ku idhi "Naa maxaad badda iigu bakhtiinaysay",anniga oo is leh intaanay maryaha kaa gashan ee ay qaawan tahay beerka kaga deg,ayaa waxay igu tidhi "Oo ma imika ayaan kaaga raynayaa", markii ay intaasi tidhi ayaan budhkii u taagay,balse goor ay I qaaday iyo goor ay I legeday iyo goor ay budhkii iga tuurtay toona anniga oo aan ogeyn ayuun baan arkay iyada oo gacmaheedii midna cunaha igu qabatay midna labadaydii gacmood,laakiin ima ay ciijine waxay igu tidhi "Waar ma iska tagaysaa mise kan cad iyo kan madow ayaan ku kala siibaa".
La soco qaybta 2-aad isla sheekadan.
No comments:
Post a Comment