SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waa maxay sababta loo dilay Wasiir Cabas Siraaji?

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil xalay fiidkii agagaarka Madaxtooyada Somaliya ee Muqdisho loogu geestay Alla ha u naxariistay Wasiirkii Howladda Guud iyo Guryeenta Cabaas C/llaah Siraaji oo ahaa wasiirka ugu da’da yar ee Golaha Xukuumadda Soomaaliya.

Dilka Wasiir Cabaas ayaa waxaa fuliyay Ilaalada Hanti Dhowraha Guud Qaranka Somaliya Nuur Faarax Jimcaale sida la xaqiijiyay, taasi oo aburtay shaki iyo isaamindarro ku kala fogaata dawlada oo madaxwayanah ka yahay Farmaajo .

Dad xogogal ah ayaa awaxa y sheegayaan "Cabaas waxaa lagu dhuftay hal xabad, taasi oo ahayd mid awalba la doonaayay in lagu khaarajiyo,sida hadaba dhacday.Wasiir Cabaas markan la toogtay waxa uu saarnaa Gadhigiisa ,waxaana lala eegtay xabada dhanka Daraawalka ,waana mida abuurtay shakiga iyo muranka.

Waxa kaloo muuqata in gadhiga wasiirka halkaasi xabad oo kaliya ay ku taalo,tasina waxa ay ku tusaysaa ayay leeyhiin dadkii saaxiibka la aha Wasiirka la dilay.in uu jiro toogasho loogu talagalay oo qorshaysan

Sida ka muuqata Gaadhiga Alla ha unaxariistee Wasiir Cabaas, waxaa ku yaala hal xabad oo keliya taasi oo lala beegsaday dhinaca uu fadhiyay, xabada ayaana Wasiirka ka haleeshay dhanka sare ee madaxa.

War hoose oo laga helay ehelada Wasiirka la khaarajiyay ee Howlaha Guud iyo Guryenta, ayaa sheegaya in maalmahanba muran xoogan uu kala dhaxeeyay Hanti Dhawrka Qaranka iyo wasiirka la dilay.

Sida la sheegay waxa ay labadoodu isku qabteen arin danta guud ah ,taasi oo asalkeedu ahaa Guryo ay dowladda leedahay oo dad shacab ahi ay haystaan, balse wasiirka uu amray in laga raro dadkaasi ,si loogu soo celiyo gacanta Dowladda.

Arintani waxa ay dhabar jab wayn ku noqonkartaa dawladii Farmaajo ee loo hanwaynaa waxanay dib u dhac iyo kala shaki ku keeni kartaa is aaminka madaxda dalka.

 

No comments:

Post a Comment