Waa su’aal cajiib, oo ma nabi ka danbeeyey nabi Muxmed ayaa jiray? Maya, ee nabi ka danbeeya nabi Muxamed (scw) majiro, ee hadana waxay soo arooriyeen culumada siirada iyo taariikh yahanada muslimiinta ee lagu kalsoonyahay, inuu jiray nabi la aasay (la xabaalay) nabi Muxamed (scw) dabadii.
Nabigaasna waxa la odhan jiray Daaniyeel (scw), wuxuu ahaa nabi kamid nabiyadii reer bani Israa’iil, ee noolaa xilligii boqorkii Faarisiyiinta ee la odhan jiray Bakhtunasri, kadibna boqorkaas ayaa xidhay oo ku tuuray god uu ku jiro libaax iyo gooshiisii. Dabadeedna labadii libaax ayaa salaaxay nabi Daniyeel, manaysan cunin ee wayba la saaxiibeen.
Hadaba waxa la sheegaa in markii la furtay magaalad Tastur ee dhulkii Faarisiyiinta in la helay maydkii nabigaas Daaniyeel oo aan la aasin mudo aad u dheer, kadibna saxaabadii ayaa warkiisa u sheegtay amiirkii mu’miniinta ee Cumar ibnu Khadaab Alfaaruuq, markaasuu faray Cumarna saxaabadii in la aaso oo la qariyo meesha lagu duugayo xabaasha nabigaas Daniyeel.
Waxa imaam Al-bayhaqi kusoo saaray kitaabkiisa (Dalaa’il An-nubawah) in Khaalid ibnu Diinaar ka wariyey Abucaaliyah, inuu dhahay: "Markii la furtay Tastur, ayaa waxaan ka helnay gurigii lagu kaydinayey hantida ee boqorkii Hormuzaan sariir uu saaranyahay nin, madaxiisana uu yaalo kitaab, markaasaan kitaabkii u qaadnay Cumar ibnu Khadaab, kolkaaasuu Cumarna u yeedhay Kacab, Kacabna wuxuu u turjumay Afcarabi, anigaana ahaa ninkii ugu horeeyey ee carbeed ee akhriya, anigoo u akhriyey sida Quraanka oo kale.
Waxa la waydiiyey Abulcaaliyah: maxaa ku qornaa? wuxuu yidhi: siiradiina, arrimihiina, diintiina, laxanka hadalkiina, iyo warka noolayaasha ka danbeeya. Waxa la waydiiyey: maxaad ku samayseen ninkii? Wuxuu dhahay: waxaan goor maalin ah qodnay sadex iyo toban qabri oo kala tagsan, markay habeenka ahaydna waan aasnay anagoo isla simnay xabaalihii, si aan dadka uga qarino oo aanay usoo faagin xabaashiisa. Waxa la waydiiyey: Maxayka rajayn jireen ninka? Wuxuu dhahay: waxay ahaayeen marka roobka waayaan ayey sariirtiisa soo saari jireen kolkaasbaa loo roobayn jiray.
Waxa la waydiiyey: Ninkun yuu ahaa? Wuxuu dhahay: Nin la odhan jiray Daaniyeel, Waxa la waydiiyey: Illamaa goorma kahor ayuu geeriyooday? wuxuu dhahay: sadex boqol oo sanadood kahor. Waxa la waydiiyey: Jidhkiisa waxba iskamay badalin? Wuxuu dhahay: maya, marka laga reebo timo yar oo gadhkiisa ah mooyee, jidhka nabiyadan ma cunto dhulku, mana cunaan xayawaanku." [1]
Ibnu Khathiir wuxuu dhahay: "Sanadka xadiiskaasi waa mid kasugan Abulcaaliyah, laakiin hadii xilliga uu dhintay ay kasoo wareegtay sadex boqol oo sanadood maaha ninkaasi nabi, ee waa nin kamid ahaa dadka saalixiinta, maxaa yeelay nabi Ciise iyo Nabi Muxamed (n.n.k.h) umaysan dhaxayn wax nabiyo ah, sida ku cad xadiiska saxiixa ah ee Bukhaari.
Waxaana dhici karta in xilligii ninkaasi uu dhintay ay ahayd Sideed boqol oo sanadood kahor, waana waqtiga ugu dhow ee uu noolaa Daniyeel, waa hadii uu yahay nabi Daaniyeel hadii kalena waa nin kamid ah dadkii saalixiinta ahaa, hase ahaatee dadku malahoodu wuxuu u batay inuu ahaa Daaniyeel, sababtoo ah Daniyeel waxa qaatay oo xidhay boqorka Farisiyiinta. Waxa kale oo uu Abulcaaliya dhahay: in sankiisa Daniyeel uu la eekaa hal taako, halka xadiis kale oo ka sugan Anas ibnu Maalikna uu leeyahay: sankiisu wuxuu la eekaa dhudhun, sidaa awgeed waxa loo badinyaa inuu ahaa nabiyadii hore, wax kabadan mudadaas la sheegay" [2]
Sidoo kale wuxuu dhahay Sheekhul Al-islaa Ibnu Taymiyah: Markuu qabrigii Daniyeel ka muuqday Tastur, ayaa Abumusa u qoray warqad Cumar ibnu Khadaab (uu ku ogaysiinayo warka Daniyeel), markaasuu dhahay Cumar: Marka ay maalinta tahay qoda sadex iyo toban qabri, kadibna habeenkii ku aasay mid kamid ah, kana qariya dadka, si aanay dadku ugu fitnoobin.
WD Abdulaziz Mohamed Oogle
No comments:
Post a Comment