Waxa la ina baraa in eegmada kowaad ee qof kaa jinsi duwan kaaga dhacdaa tahay xisaab-la’aan, balse wixii kale la isaga imanayo. Eegmada kowaad in ‘shaydaan’ wato ayaa lagu doodaa marka la sharxayo sababta aan laguu qabsanayn.
Cabdicasiis guudcadde.
Marka aad deristid aqoonta kasmanafeedda (psychology) la xidhiidha waxa dhaca kolka qofku arko qof ka jinsi duwan, geyaankiisana ah, waxa aad garraysanaysaa in ‘qacda’ hore aanay wax-ka-soo-qaad gefeed lahayn. Waxa aad sida oo kale ku baraarugaysaa in ‘shaydaanka’ laga ilheley e, waxa meesha ka adeegayaa yahay wax kale.
Qofku marka uu isha ku dhufto qof soojiidasho leh oo geyaankiisa ah, waxa maskaxda loo diraa farriimo aanu qofku xakamayn karin oo ku socda heer loogu yeedho, "Jidka Hoose — Low Road."[1] Jidkani waa laami dareenwad, dheereeya, oo xawaarihiisa iyo hawlihiisa aynaan shaqo ku lahayn, qalbigu xukumo; ’emotional,’ oo aynaan xakamayn karin… xakamayn ha joogto e aynaan xataa dareensanayn. Waayo dareennada waa la isqaadsiiyaa [2], oo qofka soojiidashada lehi waxa uu kugu soo ganayaa fallaadho xaggiisa kuu sooo dhufta, kuguna qasba in aad qaaddo heestii: Dhanka aad iga jirtaa; Qalbigu ii jiidayaa!
Marka ishu ku dhacdo qofkii soojiidashada lahaa, waxa qofku yeelanayaa awood ah in uu kala doorto labo midkood: in uu isha la sii raacraaco, oo damaacinnimadiisa faduulnimada wadataa gaadhsiiso heer uu ka fekero sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa qofkaa, ama uu ugu yaraan ‘telefanka uga soo qoran lahaa;’ iyo in uu is-illawsiiyo waxa uu arkay!
Haddii uu doorashada kowaad qaato, qofka waxa maskaxdiisa soo gaadha farriimo ku socda heer lagu sunto, "Jidka Kore — High Road."[3] Jidkani, si ka duwan sida kii hore, waa mid qarfo ah oo gaabis ah oo qofku u leeyahay awood uu ku xakamayn karo, kuna maamuli karo. Waxaana xukuma caqliga; ‘rational.’ Waana sababta dadka qaar ugu dhiirradaan in ay afka la galaan qofkan, qaarna ka yara xishoodaan, ama uga tanaasulaan.
Kolkaa aynu fahamno faldareeneedkaa ka dhacaya maskaxdeenna marka aynu ku jirno xaaladahaas, waxa fududaanaysa in aynu sharraxaaddii bilawga u helno furfuris la jaanqaadaysa aqoonta.
Qofku marka uu ku sugan yahay xaaladda kowaad, maaddaama aanu lahayn ikhtiyaar uu wax ku kala doorto oo falkuba yahay wax ka baxsan xayndaabka xakamayntiisa, waxa caddaalad-darro noqonaysa in ciqaab lagula soo degdego, oo loo qabsado eegmadaa. Marka se uu u gudbo xaaladda labaad, waxa uu heerkan ku soo gaadhay doorasho xaggiisa ah, wixii xumo ah ee ka dhasha go’aankaa uu qaatayna waxa uu lagama-maarmaan ka dhigayaa in isla-xisaabtan meesha yimaaddo.
Sidaas ayaa aynu ugu qancaynayaa in wuxu aanay ahayn ‘eegmo ibliis’ e ay tahay eegmo aanu qofku xor u ahayn midda laga qallaynayaa, eegmada loo raacayaana ay tahay eegmo xor uu yahay qofku.
Cabdicasiis guudcadde.
No comments:
Post a Comment