Maahmaah Afrikaan ah waxay dhahdaa "Odey Afrikaan ah dhimashadiisu waxay la mid tahay Maktabad buuggaag ka buuxaan oo gubatey" Maxaayeellay inta badan odeyga afrikaanka ahi waayo aragnimadiisa, aqoontiisa iyo waxa ku jira maskaxdiisa oo dhan wuu la dhintaa, inta uu noolyahayna waxaa si duulduul ah wax uga hela inta ag joogta amase maalin ay koob shaah ah muqaaxi ka wada cabaan.
Hadalkii ayaadaha iyo xadiisyadu ka buuxeen, hadhow cidi labo kelmadood oo sidii sheekhu u yidhi kama xasuusato. Ka waran haddii Sheekhu buug ku qori lahaa muxaadarooyinka iyo baraarujintaas bulshada? Sow ma ahaateen cilmi fadhfadhiya oo bulshada u kaydsan?
Alla maxa aqoon iyo garasho gunta hoose ee ruuxdeena yuruurta oo aynu banaanka usoo saari la'nahay!
Elias (Maxamed-Khusuusi) Farah.
Wax qoris la'aantu waa mid Afrika iyo dunida islaamka ahba badankeeda ku baahsan, se isirkeena ayey biyo dhigtay, oo mid waxbartey iyo mid aan waxbaranba waynu ka simannahay.
Islaamku wax qorista iyo akhrista aad ayuu u booriyey, oo aayaddii ugu horeysey ee quraanka ee Nabi Maxamed SCW lagu soo dejiyey ayaa akhris iyo qalinka ka hadlaysa.
Boqorkii hogaaminayey dawladdii cabbaasiyiinta Al macmuun (813-833) wuxuu Baqdaad ka dhisay deegaan waxbarasho oo balaadhan, Gurigii Xikmadda, taas oo ay iskugu imaan jireen culimada iyo aqoonyahannadu. Ninkii buug kasoo turjuma af kale oo af carbeed usoo beddela waxaa la siin jirey buugga uu turjumay miisaankiisa oo dahab ah, wakaas marka ay ilbaxnimadu Islaamku gaadhey figta ugu sareysa. Waa markii cilmiga nooc kasta oo ay tahay loo soo doonnan jirey Baqdaad loogana dambeyn jirey aqoonyahanno islaam ah.
Adduunka cilmiga yaal waa mid lasoo kala dhaxlayey. Waxaa weeye qori dab ah oo la isku soo dhiibdhiibbayey, marba aqoonyahan ayaa wax kusii darayey hadba jaadka ay u tahay, marka ay qoraal tahay ayeyna noqotaa raasamaal meel yaal oo berri wax lagu sii dari karo.
Muslimiintii xiligii ilbaxnimadu islaamku calanwaleyneysey waxay soo turjumeen waxaa ka mid ahayd buugtii Giriiga. kolkaas ay cilmigii halkii sii wadeen. Caafimaadka halkii uu dhakharkii Galen soo gaadhsiiyey waxa hore uga sii dhaqaajiyey Maxamed Ibnu Sakariya Al Razi.

Galen waxa uu cabqariga hogaaminayey aqoonta ku saabsan caafimaadka. Dhakhtaradaas hore waxay aaminsanayeen in jidhku ka kooban yahay afar walaxood, oo kala: dhiig, dheecaanka madow, ku jaale ah iyo phelgm (dheecaan kale). afartaas dheecaan oo dheellitirmi waaya ayaanna xanuunka dadka ku dhaca sababa ayey aaminsanaayeen.
Ina Sakariya oo noolaa qanigii sagaalaad ayaa cilmigaas bartuu yaalay kasii dhaqaajiyey, waxa uuna cilmi baadhistiisa kusoo gebogebeeyey in jidhka bini aadamka aan dheecaannadaas oo is dhimay aysan xanuunka sababin, ee ay tahay wax jidhka banaanka uga yimaadda iyo wax ka dhex dhasha labadaba. Markaas waxa uu daawo u helay qufaca, madax xanuunka iyo calool fadhiga.

Waxa oo kale uu maaro u helay busbuska iyo jadeecada. Waxa uuna qoray buug badan oo uu ka mid yahay the virtuous life, oo ay ka dhaxleen dhakhtaradii dunida islaamka sida Ibnu Sina iyo kuwii reer yurubba waayadii danbe ee aqoonta caafimaadka heerkan soo gaadhsiiyey.
Soomaali haddaynu nahay waxaad mooddaa in la inaga habaaray wax qorista iyo akhriska. Tiro malahan inta jeer aad aragtey oday soomaali ah oo muqaaxi ka sheekeynaya oo dadkii oo dhan afkiisa daawanayaan, muqaaxidii maalin danbe ayaad timi, se odaygii ma joogo waa nin socod badan oo muqaaxi kale oo geesta kale ee magaalada ku taal ayuu ka sheekeynayaa. Hadalkaas wanaagsan ee ilbaxnimo iyo caqligu midhka ka yahay haddii odeygaasi buug ku qori lahaa, maxaad u maleyn lahayd iney ka faa'iidi lahayd ummadu?
Culimada Soomaaliduna maalin kasta waxa uu masaajida iyo goobbaha la iskugu yimaado ka akhriyaan muxaadarooyin, dad badan ayaa yimaada oo dhegeysta, hadhowna ka dareera.