Sheekadu waxay dhex martay Cabdi-kacaan oo ahaa madaxa xafiiska xidhiidhka dadweynaha ama hanuuninta ee degmada Berbera iyo nin ay saaxiib ahayeen ka hor intii aanu u hayaamin dalka Sucuudi Arabiya oo la odhan jiray Maxamed.
Maxamed wuxuu ku soo noqday dalka 10 sanood kadib oo ku beegnayd 1974-kii, waana wakhtiyadii kacaanku u kulula ee dadka loo cago-juglayn jiray. Dadku tawrada way ka baqayeen iyaguna way kala baqayeen.
Si kastaba ha ahaate sidii caadada u ahayd laba saaxiiba oo kala baaday Cabdi-kacaan wuxuu Maxamed ku casuumay qado wanaagsan iyo qayilaad. Waxa ay wada fadhiisteen meel gaar ah si ay iskaga xaal waraystaan waayahoodii mudadii ay kala maqnaayeen. Hadaba in kasta oo aanay warkii kala bogan Cabdi-kacaan saaxiibkii wuxuu u sheegay inuu caawa ku qoran yahay hanuuninta (Orientation) shaqaalaha dawlada iyo guddiyada xaafadaha magaalada Berbera sidaas daraadeed in uu ka tagayo isaguse iska sii qayilo, hadhawtana kaga daba yimaado goobta hanuuninta si ay u wada casho tagaan.
Markii Xaajigu qaadkii ka soo kacay wuxuu soo abaaray madashii shirku ka socday oo wali sii socda. Xaaji Maxamed wuxuu istaagay daaqadii "hall-ka" si uu ugu sugo saaxiibkii iyo inuu dhaga dhageeyo waxa meesha ka socda, wuxuu maqlay saaxiibkii Cabdi-kacaan oo madaxdii wasaaradaha iyo guddiyadii xaafadaha oo wada jira warbixin siinaya ama u sheegaya in sanadaha dhaw ee soo socda dalkeena laga dhoofin doono shidaalka, dahabka, dheemanta, yuraaniyamta iyo birta qaydhin (Iron-ore) waliba waxa dheer xoolaha nool iyo dalaga beeraha.
Waxa aan idiinku bushaaraynaya Soomaaliya inay noqonayso dalka ugu qanisan dalalka Afrika oodhan, waxa kale oo aan idiinku bushaaraynaya in madaxweynaheeni Jaale Maxamed Siyaad Barre ku guulaystay inuu heshiisiyo labada dal ee Uganda iyo Tanzania oo dagaal ka dhex socday waana guul iyo sharaf u soo hoyatay Soomaaliya;
waliba wuxuu ku tala jira inuu damiyo xasarado kale oo ka dhex oogan wadamo kale. Maxamed oo la yaaban beenta iyo khuraafaadka saaxiibkii ku af-rogay dadkii madasha fadhiyey ayuu hadana wuxuu la sii yaabay shaqaalihii oo sacab aan kala go’ lahayn iyo heeso kacaana dhex taal uga dhigaya khudbada Cabdi-kacaan.
Hanuunintii kadib markay labadii saaxiib isku kaliyeysteen Maxamed wuxuu wax ka waydiiyey wixii uu dadka ku akhriyayey hase yeeshee Cabdi-kacaan wuxuu si fudud ugu jawaabay "Aniguna waan ogahay in aan been u sheegayey iyaguna way ogyihiin in aan been u sheegayey".
Akhriste sheekadan waxa aan ku xasuustay waxa aan daawaday ama dhagaystay khudbadihii wasiiro ka tirsan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo socdaal ku marayey gobolada bariga Somaliland. Goob kasta oo ay tagaan iyo cid kasta oo ay la kulmaan waxay siinayeen warbixino ku saabsan xaalada dalka waxayse u badnaayeen faan iyo wax qabad balaadhan iyo mashaariic tiro badan oo ay xukuumadu hirgalisay.
Waxa kale oo ay iska daba marayeen amaanta madaxweynaha JSL weedhaha lagu amaanayey waxa ka mid ahaa Somaliland waxa hogaaminaya oo ay nasiib u heshay siyaasi rug-cada ah oo waayo arag ah waana inta aynu dheer nahay dalalka Bariga iyo Badhtamaha Afrika.
Madaxa weftiga gaar ahaan beenta iyo huuhaada wuu akhriyayey waxa u dheera is qaad-qaad iyo isla weyni aad looga dareemayey. Dadku kamay baqayn sidii wakhtigii kacaanka oo kale laakiin iyaga oo wax kastaba og waxay muujiyeen dulqaad iyo inay ku qaabilaan niyad-sami maadama oo ay ahayeen madaxdii qaranka oo hadana iyaga marti u ah.
Cabdiraxmaan Cadami
abdirahmanadami22@gmail.com