SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Hooyo waad qaldanayd markaad Aabahay guursanaysay!!

Nolosha qurbuhu maaha wax sahlan oo cayaar cayaar ah ,marka loo eego dadka haysta Caruurta aadka u yaryar ee wadamadan ku kacaamay , gaar ahaan kuwa ku dhashay wadamadan qurbaha ee Yurub iyo wixii la halmaala.

Qoysaska Somalida ee dhulkani ku nool,maaha kuwo la dhayal-san karo,qaabka ay iyaga iyo caruurtoodu u wada nool yihiin,qoysaska caruurta lihi ee Yurub iwm ku nooli ,waa kuwo ay haysato cadaab aad u wayni ,waayo waxa ay caruur ku dhex korsanayaan,wadamo ay adag tahay dhaqamadooda in ay si dhakhsa ah ula qabsadaan.

Mushkiladaha faamliyada haysta waxa ugu waawayn,waalidka oo aan awood buuxda ku lahayn tarbiyada iyo dhaqan celinta caruurtooda,taasna inta badan waxaa sabab u ah,qoysaska caruurta haysta oo dhaqalaha ay ku nool yihiin ay dawladu siiso.

Inkastoo ay jiraan Abayaal ama hooyooyin iyagu u shaqaysta caruurtooda ,hadana taasi maahan wax sidaasi u badan,sababta oo ah, madaama hadii aynu nahay Somali dhinaca dhasha Ilahay inoo fudaydiyay,ay dhici kartana qoyska ugu caruuryari in uu haysto Shan ama afar,taas awadeed abaha ama hooyada ma dabooli karto baahida gurigaasi oo dhan,sidaa awgeed waxa uu ku khasban yahay in uu qaato waxa loo yaqaano Caydha (cayrta)

Lacagta caydhu sideedaba, waa dhaqalaha la siiyo ,qoysaska aan shaqooyinka markaasi aan haysan ama aan is-dabari karin, taas awadeed ayaa waxa ay keenaysaa in lacagta ay ku siinayaan ay baadhis badan ku sameyaan caruurta si ay u ogadaan in dhaqalahii caruurta loogu talagalay in uu sidii la rabay u gaadhay iyo in kale.

Waxyabaha kale oo dadka Somalida ee caruurta haysta dhibta ku ah, waxaa ka mid ah,iyaga oo wakhtiga caruurtu ay gurigooda joogto iyo xiliga ay iskuulka ku maqan yihiin ay kala badan tahay,Caruurtuna inta badan ay la xageeda jirtaa macalinka iskuulka wax ku bara.

Ha moodin macalinkan caruurtada haya in uu la mid yahay macalinkii joogay dhulkeenii hooyo,xaasha marnaba ha ka fikirin maskaxdadana yay kusoo dhicin in macalin kani uu yahay kuwii aynu caruurta sida adhiga ugu dareerin jiray.

Macalinka maanta qurbaha Yurub iwm jooga,kaliya caruurta wax uma dhigo,balse waxa uu ku shaqo leeyahay oo uu ilaaliyaa xataa Ilmahaagu xalay in uu si fiican u seexday iyo in kale,taas waxaba kasii daran in Ilmaha aad dhashay marka la ogaado in aanu xalay seexan,in la waydiinaayo lana baadhaayo sababta oo xalay u seexan waayay ee uu hurdada ku waayay.

Ma isleedahay ama waalidka Somaliyeedow ma ka fikiraysaa in macalinka caruurtaadu uu kaga war-roonaan karo xaalada gurigaga ka jirta iyo sida ay tahay,ma la socotaa in Ilmaha yar ee aad dhashay uu kaa jeclaan karo macalinkiisa, sababta oo ah, macalinku waxa uu ilmaha yar waagii baryaba waydiiyaa in waalidku u sameeyay iyo inkale waxyabaha yaryar ee ay caruurtu jeceshahay sida in loo shiday Filimada iyo waxyabaha Gemesiska ee ay caruurtu ku cayaraan.

Waa kaaf iyo kala-dheeri waalidka Somaliku sida uu u fikiraayo iyo macalinka aynu caruurta u dhiibano ee wadamadan Yurub iwm jooga sida uu u shaqeeyo; maha macalin oo kaliya ee xataa waa waardiyo ama ilaaliye caruurtan uu gacanta ku hayo.

Cadadeenii iyo dhaqankeenii waa laga soo tagay ,waalidka halkan caruur ku haystow,hadii markii aynu wadankeenii joognay qaabka aynu caruurta ula dhaqana ay ahayd,"car bax-aamus iyo fadhiiso taasi oo ay weheliso dharbaxadii iyo Ushii xanuunka badnayd :

" halkan hadaad timi maya,laga yeeli maayo sababta oo ah caruurta waa lagula biishadaa,dhaaqale ayaana ku baxa.

Mushkiladaha ugu waawayn ee markasta ay Somalida iyo iskaga horyimadaan macalimiinta caruurtooda wax u dhiga waxa ugu waawayn:-

1.Waalidku maadama uu wadanka joogo waxa uu jecel yahay in dhaqalaha yar ee Caydha loo yaqaano ee caruurta badan lagu siiyo, in uu xisaab ku dhugfto,taasi oo ah wax dadkii loo diro iyo waxoogaa meelkale lagu leexiyo si hadhaw wadankii Guryo iyo dhul la dago looga iibsado.

Balse hadii aad tahay Walid sida ku fikiraya ma xuma,hada lakiin sheekada ku darso inta aad isleedahay guri wadankii ka dhiso,waxa laga yaaba in caruurtii aad dhismaha iyo mustaqbalka u raadinaysay in laga qaado,kadibna aad soo istaagto,caruur la'aan kuna tiraabto "Gaaladii ayaa caruurtii naga qadanaysa".

Waxa ay ila tahay in muhiimada lasiiyo caruurta ,taasi ayaana sharafta iyo wanaaguba ku jiraa,dhaqale yar oo jeebka lagu urursadaa ,waxba kuu tarimaayo hadii tacab-kaagii uu noqdo tacab khasaar,ku tacab caruurta iyaga ayaa hadhaw boqol guri kuu dhisi doonee.

Mushkiladaha aadka u waawayn ee aan Yurub ku arkay waxa ka mida:-

Maalin maalmaha ka mida ayaan waxa aan tegay Guri Somaliyeed,waxa ku nool Hooyo iyo Aabe haysta caruur aan sidaasu u badnayn,Somalidu waxa ay ku maahmaahda carab iyo labadiisa daan ayaa is-qaniina,waa sax,waxa kaloo jirta maahmah aad u liidata oo ka turjumaysa mushkiladaha had iyo jeer ka dhex abuurma qoysaska Somaliyeed,taasi oo ah "nin iyo xaaskii colna maaha nabadna maaha,waa qalad ,waa in nabad la noqdaa!

Hadii aad maahmahda "colna maaha nabadna maaha" aad si xaqiiqa ugu dhabo gasho waxa aad is-odhanaysaa waa run,balse hadana guri aan col iyo nabad toona an lagu ahaynu guri maaha, waa mid subxaanalah,waxa ay ahayd in nabad la ahaado,balse dhibta kolba soo korodha si dhakhso ah loo xaliyo.

Gurigii markii aan tagay ,ayaa waxa aan la kulmay waxoogaa buuq ah oo ka dhex *oogan ninka iyo xaaskiisa,balse waxaba taas kasii daran caruurta Inanka ugu wayn markaasi oo aan cimrigiisa ku qiyaasi karo 11 sano, ayaa waxa uu u xanaaq-san-yahay sii aad ah,kadib markii uu Aabuhu uu dherbaaxo waalid nimo ku dhuftay.

Hadaba intii aan fadhiyay maxaa dhacay ,maxay ayaad filanaysaa in ay dhici karto akhristoow,imisa goor ayaa Aabaha iyo Hooyada adiga oo dhex jooga midkood uu ku dhirbaaxay, isaga oo xumaan markaasi u muuqatay kaa celinaaya,maxaadse dareentay markii lagu dhirbaaxay,ma waxa aad u qadatay in uu ku dhirbaaxay qof aad coltihiin mise waxa aad u fahan-tay in uu ku dhirbaaxay waalid ku jecel oo markaasi xumaan kuu diidaaya .

Waxaa hubaala in aad xasuusan tahay akhristow, dhirbaaxo kasta oo uu kuu gaystay qof aan waalidka ahayni,ilaa hadana aad u aragto xataa hadaad waynaatay in qofkaasi cadawgaaga uu ahaa,balse dhirbaxadii iyo dhangadii uu waalidku kula dhacayay markasta maha mid xasuusta cadawnimada kuugu jirta,lakiin caruurta Yurub iwm ku nooli waxa ay xasuusan yihiin dhirbaaxo iska-daaye canaantii waalidnimo oo ku qaloocatay,taasna waxa u sababa dhyulka ay ku nool yihiin,oo aa caruurta far la saarin.

Waxba yuu qoraalku ila sii taraarin,aan si kooban kuugu soo gudbiyo iyada oo qoraala,waxa uu sameeyay Ilnankii yaraa ee Abihii markaasi uu dhitrbaaxay iyo hadaladii kasoo yeedhay sida ay uga madhnayeen ixtiraamka ay isku leeyhiin waalid iyo caruurtii.

Inankii yaraa isaga oo Hoyadii ku halqabsanaya waxa uu yidhi:-

*HOOYO MAY AHAYN IN AAD NINKAN GUURSATO ,MARKII AAD AYARAYD,WAAYO HADII AAD WAKHTIGAASI AAD **KAN KAN KAN KAN, GUURSANAYSAY AAD NIN FIICAN GUURSATO MAANTA IMUU DHIRBAAXEEN.

Inanka yari marka uu sidaasi u hadlaayo,ku darsoo kuma hadlaayo wax layidhaa luqada afsomaliga "adaaba sheegaaya" waxa uu ku hadlayaa isaga oo indhaha giir ka kicinaaya ,luqada wadanka uu joogo,balse Hoyadii ayaa aniga waxa ay igu leedahay,waad maqlaysaa inankaygu waxa uu yidhi inta ay dibinta qaniintay,waxa kaloo ay ii raacisaw khadarow waad arkaysaa caruurtayadii halka ay nala marayso.

Xaalku maaha mid aad u fudud,balse hadana sidaasi oo ay tahay wali rajo ayaa jirta,oo maxay ayay tahay rajadaasi ,ilayn waaban u jeedaa halka xaal maraaye,rajadaasi waxa ay tahay,waalidka iyo caruurta hada ay canaanta iyo is afgarad la-aantu ay ka dhex tagan tahay waxa ay yihiin,waalid kusoo barbaaray wadankii,iyo caruur aan sidaasi usoo Yuruboobin.

Balse waxa aad xisaabta ku darsataa marka ilmaha yar ee hoyadii sidaasi ku lihi,uu bari noqdo Awoow gadhcadaadi ah,taladii iyo tilmaantiina isaga laga sugaayo,maxay ayuu noqon doonaa,xaalkiisuna halkee ayuu ku danbayn doonaa,Ilahay ayaa og,waa run Allaah ayaa og lakiin sadaashu ma fiicna.

Hadii la-rabo in caruurta laga badbaadiyo dhaqamadan wadamadan aynu joogno kuwooda xun xun,aniga waxa ay ila tahay caruurta dagaalka ha laga daayo oo si kale ha loola saaxiibo,ha la isjeclaysiiyo,wanaaga aynu farayno caruurtuna waalidku waa in uu isagu ku dhaqmaa,macalinkiisana waa in saxiib dhaw lala-yeeshaa oo aanu Ilmahaagu ka jeclanin macalinkiisa,waxkasta oo aad isleedahay Ilmahaagu macalinkiisa waa uu ku jecel yahay waa in aad adigu u samaysaa intii karaankaaga ah.

In caruurta la dilo,nabarana loo gaysto , waxaa ka fiican in wax loo sheego, saxiib dhawna lala noqdo ,hadaad doonayso in aad caruurtaada tarbiyadooda in aad Dhengad u marto,waxa ila qurux badan ka tag wadamadan aad joogto,kadibna inta aad dalkii adiga iyo caruurtu isu raacdaan,waa cadadeenee ceebteen maahee, sidaad caruurta u garacayso waxaad tidhaahdaa GACANTAA II TAASHAY.

Waxa kaloo aad markasta maqlaysaa Hooyo caruurtii laga qaatay,balse maqlimaysid Aabe caruurtii laga qaatay,taasi waxa ay ku tusinaysaa in markasta Hoyadu ay tahay mida dhibta ugu badani soo gaadhayso,hadaan si kale u dhigana, waxa meeshaas kasoo baxaysa in wadamadan qurbaha ay yar tahay qoysaska dhisan ee isku dhinac nolosha uga soo wada jeeda.
khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com


WQ/Khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment