Nin kamida dadkii aadka u wanaagsanaa ee noolaa qarniyadii muslimiintii hore,ayaa waxa uu u yimi nin ka mida imaam yadii waawaynaa ee muslimiinta kaasi oo aha Ibnu Cabaas ,isaga oo doonaaya in uu su'aal waydiiyo.
Markii uu imaamkii uyimi ayaa waxa uu waydiiyay su'aal ah,imaamow waxa aan ku waydiiyay heesahu ma xaraanbaa mise waa xalaal ? kadibna imaamkii ayaa inta uu su'aasha culayskeeda arkay ayaa waxa uu ugu jawaabay:-
Anigu shay Ilahay uu xaraan ka dhigay, xalaal kama dhigi karo,isla markaana shay uu Ilahay xalaal ka dhigayna anigu ma xaraan tinimayn karo,kadibna Imaamkii waxa uu dib u waydiiyay ninkii su'aal ah?
Waxa aan ku waydiiyay adiga,marka maalinta qiyaamo xasanaadkaagii wanaagsanaa iyo dunuubtaadii ,labadaba midba kafad la saaro,labada kafadood middee ayaa heesaha iyo muusuga la saarayaa, ma waxa ay la kafad noqonayaan oo la saarayaa kafada xumaanta mise waxa la saarayaa oo ay la kafad noqonayaan kafada wanaaga.
Ninkii isaga ahaa, inta uu fadhigii ka kacay ,oo boodhka dabada ka tumay ,ayaa waxa uu ku jawaabay,Alaylahe waxa ay ila tahay in ay la kefad noqonayaan xumaanta,kadibna imaamkii Ibna Cabaas waxa uu ku yidhi naftaadu way fadwootay,macnaha waxa aad sheegtay ama aad ku hadashay hadal dhaxal gal-ah,muslimiintana wax u tari doona.
Qisadani waxa ay ina tusinaysaa in xumaanta iyo wanaagaba aanay u bahnayn in mararka qaar la wadiiyo culimada waawayn,balse ay garan karaan dadka iska caadiga ah ee aan aqoon sii durugsan aan u lahayn diinta.
W/Q.Khadar Aar.
No comments:
Post a Comment