Hadii aynu nahay Somali,waxaa la inagu xantaa in aynu ka mid nahay dadwayga hadalkoodu aadka u dhaadheer yahay ama dhawaqoodu uu yahay mid aanay dadka qaar u adkaysan karin,waxaa laga yabaa in aad aragto inta badan dad Somali ah oo dadkale oo ajaanabi ahi ay ku leeyhiin hadalka hoos u dhiga.
Qofku marka uu jooga dhulka miyiga ah ama baadiyaha qofba sida uu u yaqaano,waxa xaqiiqa oo nolosha meeshaa ka jirta ay tahay mid ku dhisan in aad kor u dhawaaqdo,hadii kale waxa laga yaaba in dhibaatoyin aad u badani ay adiga iyo maalkagaba ay ku yimadaan.
Dhaqanka caynaasi ah ,ma runbaa oo waa aynu leenahay ,mise waa mid aynaan lahayn oo dusha la inaga saaraayo,anigu aragti ahaan waxa aan isleeyahay dhaqankaasi waxa uu yahay mid aynu leenahay.
Hadaba arinta dhawaaq dheeridu ma mid Somalida oo kaliya u gaar ahbaa,mase jiraan dadway ama qoomiyado arintan inala wadaagaa,haday jiraanna waa kuwama,wax dhaqan ahse ma wadaagnaa dadkaasi inala wadaaga hadal dheerida.
Somalida oo kaliya kuma gaar aha arintan hadal dheeridu ama dhawaaqan meesha dheer laga maqlaayo ee dadka qaarkood ay inagula yabeen,balse waxaa ka mida dadka inala wadaaga dadka Carabta oo la odhan karo malaha iyaga ayaaba inaga sii dhawaaq dheer .
Wadamada Carabta hadaad tagto,waxa aad arkaysaa wax kaa yaabiya,gaar ahaan dhinaca dhawaaqa iyo hadal dheeraanta,dadka Somalida ah ee carabta kusoo nolaa ama soo arkay ama hadaba kunooli ,arintan cidi uga sheekeyn-mayso.
Ninka carabka ah waxaa ka suurawda in isaga oo wadada ama jidka ay baabuurtu marayaan ku socda, isla markaana saaran gadhigiisa,in uu u dhawaaqo una baaqo isaga oo qaylinaaya qof markaasi ku jira guri oo aan dibadaba taagnayn.
Wadamada Carabta hadaad tagto,waxaa markasta dhagahaaga kusoo dulaaya qof u yeedhaaya qof kale tusaale ahaan waxa aad maqlaysaa " yaaa Cabdoooooo" waxa laga yabaa Cabdoogaa uu u yeedhayaa in uu wakhtigaasi sariirtiisaba iska jiifo ama uu hurdo.
Balse dhawaaqaasi dheer ee ay carabtu inagaga duwan yihiin,waxa sameeya oo kaliya waa Ragga carabta ,ma maqlaysid mana arkaysid inta aan ka aqaano Dumarkooda oo sidaa raga oo kale u qaylinaaya ama dhawaaqooda la maqlaayo.
Hadii aynu Somali nahay,waxa aan isleeyahay cida kaliya ee dhinaca dhawaaqa iyo hadal-dheeraanta inaga badisaa waa dadka Carabta,waxaana dhici karta in inaga iyo carabta ay jirto ciriq dhinaca Nasabka ah oo inaga dhaxeeya kaasi oo keenaaya in aynu isku dhaqan noqono.
Hadaba dhawaaqan maxay ayaa u sabab ah,halkee ayuu ka yimi,maxay ayaa inagu kalifaaya hadii aynu nahay Somali in inaga oo is-horfadina hadana hadalkeena iyo dhawaaqeena ay maqlaan dad markaasi inaga dheer ama fadhiya meel inaga durugsan.
Markii aan u kuurgalay isla markana aan wax badan iska waydiiyay sababta hadal dheerida inoogu wacan,waxaa isoo baxday in uu raad ku leeyahay dhaqankeenii miyiga ama xoola dhaqatada.
Qofku marka uu jooga dhulka miyiga ah ama baadiyaha qofba sida uu u yaqaano,waxa xaqiiqa oo nolosha meeshaa ka jirta ay tahay mid ku dhisan in aad kor u dhawaaqdo,hadii kale waxa laga yaaba in dhibaatoyin aad u badani ay adiga iyo maalkagaba ay ku yimadaan.
Qofka miyiga joogaa nin iyo gabadh midka uu doono ha ahaadee,waxa laga yabaa in masaafo aad u dheer ay ka wada sheekaystaan,Tosaale ahaan ,labada nin ee Geeljiraha wada ahi, waxa laga yabaa in Geela uu midba gees ka joogo, aadna ay u kala fogyihiin,labadaasi nin waxa ay duruufta markaasi jirtaa ku khasbaysaa in midkastaaba uu halka uu joogo ka dhawaaqo.
Tusaale:- waaaaaaaar cabdooooow geeeeli ma dhan yahay, kiikalana waxa uu ku celinayaa ,haaaaaa ; hadaladaasi labada nin ay iswadaar sadeen iyo dhawaqaasi,waxa uu yahay mid markaasi wax tar u ah iska warhayntooda iyo mida xoolahaba.
Waxaa kaloo iyana jirta, in caruurta yaryar ee Adiga la joogtaa iyana ay sidaasi si leeg,ay markasta ay adhiga dhexdiisa isaga yeedhaan,Hoyadi miyiga ku nooli markasta sida kuwa magalada maaha hooyo ay caruurteedi ag-joogto ama ay ag-fadhido,waayo caruurta miyigu maaha sida kuwa magaalada ee xoolaha ayay racaan inta badana ay ku maqan yihiin.
Hadaba hooyada miyaga ku nool madama ay markasta caruurtii ay ka maqan tahay adhigana ay la jogaan,cuntana ay rabto in ay adhiga dhexdiisa ugu gayso ,waxaa ku adkaanaysa in ay midkastaba halka uu joogo ay garato, ,kadibna waxaa khasab ku noqonaysa in ay halka ay markaasi joogto ay ka dhawaaqdo si ay midkastaba halka ku sugan yahay ay cunto ugu gayso.
Waxyabaha kale ee dadka reer Guuraga ah ,in ay codkooda kor u qaadan ku kalifaaya ayaa waxaa ka mida,markasta dadka reer guuraaga ahi waxa ay dhex joogaan xoolo,taasina waxa ay u samixi wayday in ay si fiican isu maqlaan,qaylada iyo dhawaaqa xoolaha,taas awadeed waxaa khasab ku noqotay in midkastaba uu codkiisa kor u qaado si uu kan kale u maqlo.
Arimaha kale aan isleeyahay qayb ayay ka yihiin dhawaaq dheerida reer miyiga,ayaa waxa ay tahay,xiliga hasawaha ee ninka iyo gabadha reer miyiga ahi ay rabaan in ay wada sheekaystaan,waa ay adkayd sida reer magaalka in kursi lagu soo wada fadhiisto,kadibna lagu sheekaysto,inkastoo ay khalad tahay.
Hadaba ninka iyo gabadha reermiyiga ah,waxaa u caado ahayd in xiliga haasawaha in ay adkayd in ay si quumaati ah isu soo hor istagaan ama isasoo ag-fadhiistaan, dhaqanka wanaagsan awadii,taas awadeed ayaa waxa ay wada sheekaysan jireen iyada oo midba Geedka uu dhinaca kale ka joogo,masafadaasi lafteedu waxa ay labadii ruux ku khasbaysaa madamaa ay waxooga yar kala durug san yihiin in ay codadka kor u dhereyaan si ay isu maqlan.
Hadii aan dhinac kale ka eego,waxa aan isleeyahay dadka reermiyiga ahi waa ay ka cafimaad iyo cudur yarayeen magalada,taasi lafteedu waxa ay ka qayb qadanaysaa,in uu qofku dulqaad u yeesho hadalka dheer iyo dhawaaqa kasoo baxaaya qofka kale ; waayo waxa aad hada magalooyinka ku arkaysaa qof ka diiqadoonaya hadalka dheer iyo dhawaaqa,taasna waxaa keenay ayaa la odhan karaa,magalooyinka iyo dhibatoyinka ay la-noolyihiin.
Waxyabaha kale ee aan isleeyahay in qofka reer guuraaga ahi uu noqdo qof dhawaaq dheer,ayaa waaxa aan isleyahay waxa u sabab ah,madama uu joogo dhul cidla ah,cidmarkaasi uu ka baqaayo iyo cid dhawaaqisu dhibayaatoona aanay jirin,waxaa khasab ku noqonaysay in uu xoriyadiisa afka uu helo,isaga oo dantiisa ku gudanaaya.
Waxaa kaloo iyana meesha aan ka madhnayn,qofka reer guuraaga ahi,waxa uu ku nool yahay jawi xor ah,oo aan markaasi wax dawlad layidhaahdaa aanay ka jirin,wax Bolisa ama cid wax cashuurtaana (minashiibiyo)aanay ka jirin,taasi lafteedu waxa ay u saamaxday in qaabka uu doono uu u noolaado.
Xoriyada ninka reer guuraaga ahi uu haysto waxa kaloo ma mida,in dhulka meesha uu doono uu ka dago,isla markana aanay jirin Dawlad Hoose oo dhulka iyo wadooyinka ay marayaan u qaydaa ama u cabirtaa,ninka reermiyaga ahi,dhulka inta uu doono ayuu dagaa,geedka uu doonana waa uu gooyaa ,noloshaasi waxa ay khasab ka dhigaysa in dadka reer guuraaga ahi ay noqdaan kuwo haysta xoriyad dheerada.
Hadaba maxaa sabab u ah in dhaqankii caynkaasi ahaa,ee wakhtigaasi miyiga aynu joognay ama awoowyadeen ay jogeen ay ku dhaqmi jireen in aynu maanta magalooyinka la nimaadno ama aanay wali inaga suulin,iyada oo aanay jirin sabab inagu kalifaysa in aynu dhawaaqno ama aynu qaylino.
Hadii aynu nidhi wakhtigaasi miyiga lagu noolaa , dhawaaqa iyo codka oo kor looqaada waxa uu ahaa mid nolosha markaasi jirta ka mida,balse magaladii uu yahay dhawaaqasi iyo qayladaasi mid aan ka shaqaynayn,ceeb iyo foolxumana kusoo jiidaaya,xaq miyaan laynoogu lahayn in la inagu tilaamo dadki badawda ahaa.
Dhib may ahaateen,hadii marka aynu magalooyinkeenii joogno aynu sida aynu doono aynu u isticmaalno,balse markii aynu la nimo qorbaha gaar ahaan wadamada Gaalada,arintii waxa ay isu badashay mid aynu dadka oo dhan kaga takooranahay kuna ceebaysanahay.
Waxaa laga yabaa ninka ama gabadha Somaliga ahi isaga dhakhtar ama Isbitaal jooga in uu dhawaqiisa kor u qaado,waxaa taas kaba sii daran diyaradaha ,Basaska iyo Tareenada oo iyagana aynu ku dhex sheekaysano iyada oo codkeena iyo qosol keenuba uu dheer yahay.
Waxyabaha kale ee iyadana qurbaha aynu la nimi ayaa waxaa ka mida,marka aynu dhakhtarada iyo bukanada aynu booqanayno in aynu isu raacno koox koox ,waayo dhaqankeena iyo nolosheena ayaa waxa ay ku xidhnayd kooxaysi iyo qabiilaysi,taasi ayaa markii danbe waxa ay keentay in bukaankii aynu boqanaynay aynu qolkuu jiifay aynu ugu galno inaga oo Labatan qof ah,midkastabana uu hadlaayo.
Hadaba waxa aan qoraalkan kusoo gaba-gabaynayaa,codka dheer iyo dhawaaqu ,miyigii waxa uu ka ahaa ,shaqo iyo hawl-maalmeed,balse magaalo waxa uu ka noqday ceeb iyo in badaw la inagu tilaamo,sidaa awgeed waxaan naftayda iyo tiinaba kula talinayaa aynu dhaqan kaasi halkiisii u dayno .
Wabilaahi tawfiiq.
khadar-aar.blogspot.com
facbook.khadaraar@hotmail.com
khadaraar7@gmail.com
WQ/Khadar Ibrahim Aar
No comments:
Post a Comment