Caad igama saarna caloolyawga ay qabto, cindigayguse wuxuu soo saari la’ayahay cidda ay tahay. Waxaan ka warwareegayaa inaan idhaa isku kay sheeg. Inta aan dhab u fiiriyay oo aan maskaxda qaybta xusuusta qaabilsan aad u tuujiyay, ayaa waxa ii soo baxay sawir haydhhaydh ku jiro oo si walba uga duwan keegan maanta.
Haddana yeelkeeda’e waxaan ku idhi : Ma Hindaa? Inta ay sidii wax yar naxay ii soo eegtay bay igu tidhi: Haa, miyaad i garan la’adahay Axmed? Aniga oo madax dhul ka ceshi ah ayaan ku idhi: "Kuma garan li’i ee maxaa kugudhacay?" Wuu I furay, wuu I furay, wuu I furay!! Ayay si murugo iyo maroora dilaac leh ii tidhi.
Goormuu ku furay iyo muxuu kuu furay midna aniga oo aan odhan ayaan ka dhaqaaqay oo aan dhabbada qaadey. Xataa inaan ka dhaqaaqay war isuma hayn ee sidii aan u sii xiimayay waxaan is arkay aniga oo dalaq idhi bakhaarkii oday ku sheegeedu lahaa. Intii aan dhexda ku sii jiray waxaan go’aan ku gaadhay in midkaayo maanta lafaha laga guro.
Nasiib daro iyo nasiib wanaag mid ay ahaydba meesha uguma tegin isagii. Ku yar oo u shaqaynayay ayaan ku idhi aniga oo xayraansan: "Mee kii Cismaan?" Ma Sheekh Cismaan? Ayuu si hal haleela ii waydiiyay. "Sheekhna ma’aha ee shaydaanka gadhka dheeri halkee buu ka baxay?" Ayaan si kacsan ugu jawaabay.
Subxaana-laah, qadafku ma fiicnee, wuu soo noqonayaa ayuu si dejin iyo duridi ku jirto ii yidhi. Waayahay adeer intaan ku idhi, ayaan meel bannaanayd salka la helay oo aan xiiq gooyay. Kii yaraana shaah uu hore u cabayay ayuu halkeer firi-riqda kaga saaray.
Cabaar intaan xaraarada xajistay ayaan markii danbe is hayn waayay oo aan kii yaraa ku halgaadey: Waar garashada Ilaahay kaa qaadye shaah noogu yeedh. Inta uu naxay ayuu maqaaxi hortooda ahayd iiga dalbay, iigana soo qaaday.Waad mahadsan tahay adeer inta aan ku idhi ayaan dhabanada qabsaday oo uu dhididku I hooray.
Anniga oo gagab gooyay ayuu Sh. Cismaan soo galay. Ladnaan baa dushiisa ka muuqata, labeenina wajigiisa ayay ku dahaadhan tahay. Rays buu cagaha kula jiraa, roob lacagina waa ku da’ayaa. Xaydh buu sidii dibida yeeshay, xalusna sidii dumarka.
Qosol aan dabnaha dhaafsiisnayn haddii uu igu bariidiyay, kama qaadinee waxaan si adag ugu idhi: maxaad sidaa u samaysay? Inta uu I fahmay ayuu bannaanka iila baxay. Markaasuu si jees jees ah ii yidhi: Way kibirtay oo waan iska furay. I
ntaan madoobaaday ayaan haddana cadaaday; intaan qiirooday ayaan haddana qaracmay; intaan xayraamay ayaan haddana xanaaqay. Hase yeeshee anniga oo aan eray u celin, warna isu hayn ayaan hortiisii ka huleelay. Haddii ay xaaskiisii hore ku hadaaqaysay wuu I furay,wuu I furay, waxaan is arkay aniga oo ku hadaaqaya: Waqtigu nacasaysanaa; waqtigu nacasaysanaa.. Waqtigu nacasaysanaa.
Aniga oo baydkaa ku tasbiixsanaya ayaan bannaan iska fadhiistay. Cajaladda xusuusta ayaan dalaq rikoodhka siiyay. Dib baan u celiyay oo waxay socotaba dhalinyarnimo markii ay gaadhay ayaan istaajiyay. Aniga oo aan iska war hayn ayaan Aaah… Aaah ku waashay. Waxaannu ahayn dhalinyar dhib iyo dheefba wada qaybsada.
Waannu wada ciyaari jirnay, waananu wada cawayn jirnay. Waannu wada haasaawi jirnay, waananu kala haasaawi jirnay. Hindi waxay ka mid ahaan jirtay hablaha bilic iyo bilig lagu majeerto ee xaadafaddayada. Asluub badnaanteeda iyo edeb samaanteeda waxaad moodaysay culimadii hore ee Soomaaliyeed, dhawrsanaanteeda iyo dhibir-sanaanteedana waxaaad ekayd dhal awliyaad.
Qof dulqaad badan bay ahayd oo haddii gacanta afka laga galiyo aan ku qaniinayn. Kalsooni buuxda ayay ka haysatay bulshadii ay la noolayd, haba ugu sii badnaadeen reerkooduye. Inkasta oo ay nala ayni ahayd, haddana annaga waxay noo ahayd walaal iyo wehel rumaad. Hablaha ayay na bari jirtay, mararna nooba haasaawin jirtay, oo hadda xaaskanaanu wada joogno is jamashadayadii iyo is jeclaanshahayagiiba iyada ayaa doorwayn ka qaadatay qaadirku ha ka abaal mariyee.
Imisa nin oo sidii ay hanashadeeda u heli lahaayeen habeenno u dhafray ayaan garanayaa! Bashiir miyaanu ku hadaaqi jirin marka ay maqan tahay, marka ay timaadna miyaanu hiban jirin? Cabdi Faynuus miyaanu caashaqeeda cuntada beryo uga go’in? Faysal Faqash miyaanu ka fikirkeeda maalmo la foorarin? Miyaanaan kor iyo hoosba u odhan jirin walee tan ninka helaa nasiib badanaa.
Calafku waa caleemo daad wado e dhabcaalka aan kor ku soo sheegnay ee lahaa: "Way kibirtay" ayay reerkooda ula timid. Aqoon guud oo aan u lahaa ayaan hadlayaaye, wuxuu ahaa nin danyara oo dadkiisa isaga dhex jira. Han iyo hirasho toona ma lahayn. Haddii uu fikiro waxa uu ka werweri jiray wax uu cuno iyo wax uu cabbo, dhoohniduna dhafoorkiisa ayay ka muuqatay.
W/Q. Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)
E-Mail: awliyo177@hotmail.com
No comments:
Post a Comment