Dib u dhac ku yimaado cod soo saarista iyo hadalka caruurta waxay calaamad u noqon kartaa xaalado badan.
Xaaladahaasi waxaa ka mid ah hawlgab maskaxda, soo daahidda hadalka guud, dhagoolnimada, dhib xagga luqadda ah, dhibaato nafsaani ah, gooniyowga caruurta iyo jug maskaxda gaartay.
Dib u dhaca hadalka waxaa kaloo keeni kara, laba luqad lahaanshaha, sida hooyo iyo aabbo ku hadlo luqado kala duwan, ama luqadda guriga looga hadlo iyo midda bulshada ku hadasho in ay kala duwan tahay.
Dib u dhaca hadalka caruurta waa mushkilad saameysa ilaa 10% caruurta dunida ku nool.
Dib u dhaca hadalka caruurta waxaa 3 ilaa 4 jeer uu ku badanyahay wiilasha markii loo fiiriyo gabdhaha.
Maxaa keeno dib u dhaca hadalka iyo hadal la'aanta?
Dhacsanaan Miyireed (Ilmo ku dhashay maskax yari, tanina waxaa la socod howlgabka howsha maskaxda guud sida fahamka iyo dhaqanka)
Dhago La'aanta (Hadalka waxay ilamaha ku bartaan dhagaysiga, haddi ilmuhu dhagool yahay, hadalka wuu ka soo daahaa)
Cuuryaannimo Maskaxeed (cudur ku dhaco caruurta markii madaxa dhaawac ka gaaro oo leh hadal la'aan wato cuuryaannimo)
Dhakaakaha iyo Gooniyowga (Waa xaalad ay sababto xanuun jir ahaaneed ee maskaxda taas oo soo baxda saddexda sano ee qofka noloshiisa ugu horeysa, calaamadaha waxaa ka mid ah carqalad jir ahaaneed, bulshada iyo xirfada luqadda iyo dareemayaasha oo aan si caadi aheyn u jawaaba..
Hooyo la'aanta iyo bulsho ka go'ista (Ilmaha oo waayo naxariista iyo jaceelka waalidiinta)
Cudur asiibay maskaxda sida xanuunka Qoorgooyaha "Meningitis" iyo Maskax-bararka "Encephalitis".
Hormarka caadiga ah ee hadalka.
1 ilaa 6 bilood: Wuu hadaaqaa
6 ilaa 9 bilood: Faruuryaha ayuu cod ka soo saaraa
10 ilaa 11 bilood: Codadka ayuu dhaajiyaa
12 bilood: Hooyo iyo aabo ayuu dhahaa isagoo macnaheeda fahansan
13 ilaa 15 bilood: Afar ilaa 7 kalmadod ayuu dhihi karaa
16 ilaa 18 bilood: 10 kalmadood ayuu dhihi karaa
19 ilaa 21 bilood: 20 kalmadood ayuu dhihi karaa
22 ilaa 24 bilood: 50 kalmadood, wuxuu weero ka suubin karaa laba kalmadood, hadalka caruurta xilligaan way fahmi karaan dadka oo dhan.
2 ilaa 2 1/2 sano: 400 kalmadood oo ay ka mid tahay magacyo iyo weero ka kooban 3 kalmad.
2 1/2 ilaa 3 sano: Wuxuu dhihi karaa weero ka hadlaysa wax tagay, wuu kuu sheegi karaa da'diisa, weero ka kooban 5 kalmadood, wxuuna tirin karaa.
3 ilaa 4 sano: su'aalo ayuu ku weydiin karaa, wuuna sheekeyn karaa.
4 ilaa 5 sano: wuxuu magacaabi karaa ilaa 4 midab, weero ka kooban 9 kalmadoodne wuu dhihi karaa.
Fiiro Gaar Ah: Caruurta dhan ee hadalka ka soo daaho, macnaheeda maahan in ay doqomo yihiin ama maskaxdoodu ay daciif tahay, caruurta hadalka ka soo daaho badankood haddii cillad kale ee maskaxda jirin way ka caqli badan yihiin caruurta facooda ah wayna ka firfircoon yihiin, wayna ka hal-abuursan yihiin, aqoonyahanno caan ah iyo khuburo waxyaabo badan allifay, waxay ahaayeen kuwo markay yaraayeen da' weyn ku hadlay, sidaa daraadeed hadduu hadalka cunuggaaga dhib ku yahay u fiirso dhaqankiisa iyo fahmaddiisa.
Waxyaabaha caruurta hadalka uu ka soo daaho ku firfircoon yihiin waxaa ka mid ah wax sawiridda, wax badane waxay isku dayaan in dareenkooda ay ku cabbiraan sawirka, waxay kaloo kaga duwan yihiin caruurta kale fakarka siyaadada ah iyo khiyaalka, taasoo cillad ku noqon karto hurdadooda.
Baaritaanka hadal la'aanta
Waxaa muhiim ah in la kala saaro hadal la'aanta iyo luqad barashada caruurta, waalidiinta qaar ilmaha hadii aan la fahmin luqaddooda ama dhib ay ku tahay in sida caruurta kale u hadlaan waxay u maleeyaan in mushkilad ka heysato hadalka.
Hadii cunugu cod sameyn karo, haba fahmin luqadiisa waxaa mushkilad ku hayo luqadda, laakiin haddii uusanba kalmad oran karin waa in aad ka walwashaa markaas.
Cunugga qabo mushkillada hadalka ama luqadda waxaa ku haboon in loo geeyo aqoonyahan codeed (speech therapsit) ama dhakhtar caruur si loo ogaado waxa dhibka u keenay.
Waa in la fiiriyaa calaamadaha kale ee la socdo hadal la'aanta uguna muhiimsan tahay in uu wax maqlayo.
Waa in la fiiriyaa in korriinka caruuta ay caadi tahay uusanne qabin cudur dhaxal ah.
Sidee loo daaweyn karaa hadal la'aanta caruurta?
Daaweynta waxa ay ku xirantahay wixii ka soo baxo baaritaanka.
Dib u dhaca hadalka caruurta in lagu guuleysto waxa ay ku xirantahay in waqti hore la billaabo daaweynteeda iyo la tacaaliddeeda.
Waa in aad la xiriirtaa sida ugu dhakhsiyaha badan dhakhtar ku taqasusay hadalka iyo tababarka caruurta maxaa yeelay hadal la'aanta caruurta waxay saameyn ku leedahay korrinka maskaxdooda iyo waxbarashadoodaba.
Si loo xalliyo mushkiladaan waa in ay iska kaashadaan dhawr qof, dhakhtarka caruurta, tababare hadal, macallimiinta iyo waalidiinta (iyagaana ugu muhiimsan)
Hadii ay mushkiladan keentay dhib la xalin karo iyadane way sahlaysaa in cunugga bilaabo inuu hadlo.
Hadii ay tahayne mushkilo luqadeed iyadane way sahlantahay xalkeeda, haddii la garto waxa keenay oo ay ka mid tahay in waalidiinta ay isku luqad aheyn ama cunugga lagu baro luqad kale iskuulka, bulshadane ay ku hadasho luqad kale.
Su'aashaad ku saabsan in biraha ay wax u dhimeen waa suurtagal, laakiin waa in ay jiraan waxyaabo kale ee la socdo hadal la'aantaas.
Hadal la'aan kaliya inaysan keenin biraha lagu soo jiiday ilmaha ayay u badantahay, caruurta foosha ku daahdo ama biraha lagu soo jiido labadaba waxay dhaawac gaarsiiyaan maskaxda, taasoo saameyso korriinka maskaxda oo ay ka mid tahay hadlidda, xanuunkaan waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Cerebral Palsy" oo ah macnaheeda "Cuuryaamidda Maskaxda"
Ruxrixidda caruurta si loo aamusiyo in ay ilmaha ka daahiso hadalka ma maqal weli.
Haddii aad qabto su'aal kale oo ku saabsan qoraalkaan halkaan ka weydii
No comments:
Post a Comment