Faalo iyo aragti siyasadeed oo aan ka bixinaayo Xanuunkani
Dunida ayamahan Saf-mareeyey ee Coronavirus, waxaan rajeyneynaa hadii aan
Ilahay Dunida ka qaboojin sida ay hada wax u socdaan
in uu guuldarooyin siyasadeed uu u gaysan
doono Dawladaha uu Xanuunkani ku badan yahay ama uu ku dhacay dadkooda.
Waxkasta oo cusub oo Dunida kusoo biiraa waxa ay ka tagaan
mahadhooyin iyo Halabuuris raad iyo waxyeelo siyasadeed oo aan hore loo arkin ,Sheekada
ku saabsan Coronavirus sida uu hada ku bilaabmay ma kula tahay waa uu ku
dhamaan doonaa,Fayraskan iyo Siyasiyiinta Dunida kuwooda ugu awooda wayn iyamaa
guulaysan doona.
Karaamada Siyasiyiinta, Fayrasyadu ma ixtiraamaan, maaha wax
lala yaabo boorarta ka baxaysa hoggaamiyeyaasha caanka ah ee Dunida,taasoo ku saabsan Faafidda xanuunka .Coronavirus waxay beddelkeeda samaysay isku-xidhnaanta caalamiga ah ee maanta si
dhan looga soo wada jeesto.
Ingiriiska waxa uu dhamaan xidhiidhkii wada jirka kala noqday
dawladaha Yurub,talaw ma ka ilaalin karaa UK Fayrasyada kasoo gudbaaya Yurubtii uu
xidhiidhka u jaray,mise Fayrasyadu iyagu wali waxa ay aamin san yihiin wada
jirkii dawladaha Yurub uu shaqaynaayo .
![]() |
Lägg till bildtext |
Midowga Yurub waxa uu isu rogey ficillo Magalooyinkii Bandoo laga dhigay
,Raysal wasaraha UK Mr Johnson dadka qaar ayaa aamin san in uu yahay nin nasiib
badan, kadib markii uu sida dhakhsaha ah isaga joojiyey midnimadii dawladaha
Yurub iyo isu safarkoodii,ilaa maantana wali aan Bandoo lagu soo rogin dalka
UK.
Fayraska ayaa gabi ahaanba gaadhay in kabadan 60- waddan. Taas
awadeed ayaanay suura gal u ahayn in markasta xaaladiisa lala socodo ama la
kaantoroolo.
Waxaa dhici karta in nidaamyada
caafimaadka ee waddamo badan uu Fayrasku ka adkaado. Cawaaqib xumada dhaqaale
ayaa iska muuqata iyada oo aan shaqo badan la qaban wakhtiguna uu kooban yahay .
Dhamaan Dunidii Warshadaha lahayd naxdin iyo anfariir ayaa
halmar ku wada bilaabmay , saw ma ogid in ay gabi ahaanba Warshadahii dal waynaha
Shiinahu ay Xidhan yihiin,waana ishii qudh-ahayd ee Dunida wax looga soo
saaraayey.
Dowladaha Aduunka ayaa laga yabaa in ay dhawaan Khasab ku
noqoto in ay bedalaan dhamaan Miisaaniyadaha u qoondaysan dhankasta. Hadii
Fayraskani uu hoos u dhac samayn waayo sida ugu dhakhsaha badan, ahmiyadaha
dawladahaasi iyo siyasiyiinta xiligan jooga ayaa fashil ku iman doonaa.
Saynisyahanada Dunida ee wakhtigan ayaan hubin sida ay wax ku
danbayn doonaan ,dad badan oo arimahan aqoon u leh ayaa waxa ay aamin san
yihiin hadii aan sida ugu dhakhsaha badan aan loo helin Tallaal wax ku ool ah
oo Fayraskan lagaga hortago, isla markaana uu soo galo xiligii Qaboobaha,
Bilaha 9-aad ilaa 2 sanadka 2021 ka taasi waxa ay keeno kartaa xaalad kale oo
aan la garanayn wax dhici doona.
Haddii cudurkan Coronavirus
ay noqoto in la xakamayn kari waayo ,waxa hubaal ah in ay jiri
doonaan qaraxyo waaweyn oo siyasadeed oo
Dunida oo dhan saamayn doona ,lagana yaabo in loogu magacdaro Fayraskii
Siyaasada.
Qorshayaal badan oo Dunida u degsanaa Muslim iyo Gaalba Ayaan
dhamaanba Meesha ka baxay.Dadkan Gaalada ahi inta badan ma jecla
dhibaatooyinka,Xafladaha iyo madadaalooyinkooda Sanadlaha ah hadi ay wayaan
waxa ay ku noqonaysaa in ay dareemaan dhibaatooyin horleh waana mida keeni
karta isku dhaca Madaxda iyo dadka Shacbiga ah;taas lafteeda ayaa waxa sii buunbuninaaya
Warbaahinta oo gaadhsisay dhibatada jirta mid ka xoog badan.
Waxay inta badan xaaladaha noocan ahi ay kiciyaan caadifado dadweyne oo xoog badan. Qof
walba waxa uu ogyahay iminka sida ay wax u socdaan,Qofkastaana Guri ama
Karantiimo wakhti badan kuma jiri karo ,waxaa iman doona xilli waajib loogu
yeesho Dawlada in ay arimahan joojiso gar iyo gartaraba.
Dad badan ayaa aamin san in dhamaan cudurada faa-faa ay
yihiin kuwo siyasadeed. Cudurkii neef-mareenka dhawacyada badan u gaystay dalka
Shiinaha SARS 2003 ,kuna faafay waddanka
oo dhan. Dowladda Shiinaha waxa uu xanuunkaasi u gaystay dhaawac dhaqale iyo in
la aamini waayo dhamaan Makhayadaha Dunida ku yaala ee Shiinahu leeyahay ee wax
lagu cuno.
Waxa kaloo jiray in dalka Shiinuhu wuxuu dib u soo ceshaday
sumcadiisa markii ay soo baxday Xanuunkii ifilada shimbiraha cusub H7N9, oo ku suntanayd Magalada Shanghai sanadkii
2013. Kiiskaasi oo si dhakhso ah markiiba loo dhameeyey.
Taas si sumcadeeda loosoo celiyo waxa ay keentay in Ra'iisul
wasaaraha dalkaasi uu ku khasbay golihiisa
Wasiirada dhamaantood in ay Makhayadaha wax ka Cunaan si ay Sawir fiican uga
bixiyaan xaalada dalka Shiinaha. Waana arimaha iminka keenay in Shiinahu ay
sida ugu dhakhsaha badan ay wax uga qabtaan xanuunkan,madamaa ay leeyihiin
cadaw badan oo ay isku hayaan arimaha shaqaalaha iyo Ganacsiga.
Faafitaanka cusub ee cudurka coronavirus waxaa hubaal ah in
uu si weyn wax uga bedali doono Doorashooyin badan oo kusoo socda Dawlado badan
oo Dunida ka jira.
Miinada Siyasadeed ee Coronavirus
ka dhalan dontaa ma fududa, Ilahay khayr ha ka dhigee.
W/Q: Khadar Ibrahim Aar
France Paris.
No comments:
Post a Comment