![]() |
Lägg till bildtext |
Nin Carab ah Fakhri iyo gaajo la liita ayaa fadhiyay meel ka
mida Albaabbada waawayn ee laga galo xarun wayn oo Madxaf Qaran ah,taasi oo ku
taala mid ka mid ah waddammada Carabta ,
Albaabka laga galo Madxafka waxaa fadhiya oo ka Dawarsada nin Maskiin ah ,waxaa goobtii soo maray nin Dalxiise ah
Madxafkana ku socda .
Ninkii Dalxiisaha ahaa waxa uu kusoo leexday ninkii
Dawarsanaayey ,waxa uu arkay in ninkan Dawarsadaha ahi aanu hadlayn balse uu ku
celcelinaayo kalmada ah “”Ilaahow Ilaahow ”” Dalxiisahii hadalkii ayuu fahmi
waayay waxaanu ku celiyay Dawarsadahii odhaahda “What What “ oo macnaheedu yahay “waa maxay” .
Dawarsadahu ma yaqaanu Luqada uu ninkani ku hadlaayo,
Dalxiisahuna sidoo kale Luqada Caribiga waxba kama yaqaano, kadibna waxaa
wakhti dheer lays dhaafsaday labada hadal ee kala ah”” Ilaahow iyo What (waa
maxay) ””.
Ninkan Dawarsadaha ahi sida inta badan u caadada ah Dawarsadayaasha waxa uu jeclaa in Ninkan Dalxiisaha ahi
shilimaad yar uun Gacanta u galiyo kadibna uu ka dhaqaajiyo,balse ninkan
Dalxiisaha ahi waxa macno gooniya u samaysay ninkan baahida gaarka ahi ay ka
muuqato balse kalmada ama erayga uu wax ku baryayaa uu yahay “Ilaahow “oo aanu
waxkale kusoo kordhinaynin. Isfaham la’aan kadib Dalxiisahii inta uu
Dawarsadahii Sawir xasuusleh oo fiican ka qaatay ayuu ka dhaqaajiyey.
Ninkii dalxiisaha ahaa markii uu tagay Dalkiisii Maraykanka
oo uu ka yimi ,ayaa waxa uu raadsaday nin ay saxiibo yihiin una dhashay Carabta
Macalinna ka ah Jamacadaha wadankaasi mid ka mid ah,waxaanu uga sheekeeyey
qisadii soo kala dhex martay isaga iyo ninkii Dawarsadaha ahaa ,waxaanu si gaar
ah uga codsaday in uu u macneeyo kalmad uu fahmi waayey oo Dawarsadahu ku
celcelinaayey wakhtigii yaraa ee ay wada joogeen taasi oo ahayd “Ilaahow
Ilaahow ” .
Aqoonyahankii Carabka ahaa inta uu Qoslay kkkkk ayaa waxa uu
ku yidhi Dalxiisahii “ waxa uu ahaa ninkaa aad la kulantay nin Sabool ah waxna
aan haysan,waxa uu kaa rabay in aad wax siiso,waxaaba dhici kari lahayd in uu ahaa
nin Caruur iyo reer usoo baryo tegay
kuwaasoo ay dhici karto in ay dhamaantood gaajoonayaan.,kalmaduna waxa aahayd Waynida Ilahay oo uu ka kalsoon yahay
Ninkii aqoonyahanka Carabka ahaa waxa uu waydiiyey
Dalxiisahii “ ma jirtaa wax Lacag ah haba yaraatee oo aad ninkaasi Saboolka ah
aad gacanta ka galisay ama aad siisay ? Dalxiisahii isaga oo madaxda lulaaya
kana qoomamoonaaya in khalad ay ahayd in uu ninkaasi wax siin waayey ayaa waxa
uu yidhi “maya waxba maan siin waase ka xumahay””.
Ninkii Dalxiisaha ahaa waxa uu go’aan saday in uu wakhtigay
doonto ha ku qaadatee in uu Dawarsadahii Lacag u diro,waxa uu tegay Safarada
dalkii uu Dawarsadahu ku noolaa ay ku lahayd Maraykan,waxa uu la kulmay
Safiirkii dalkaasi u fadhiyey Maraykan waxa uu uga sheekeeyey Qisadii uu lasoo
kulmay,waxa uu tusay Sawirkii dawarsadaha uu kasoo qaatay,waxaanu safiirkii u
tilmaamay xarunta iyo goobta laga helaayo Dawarsadaha ,kadibna waxa uu gacanta
ka galiyey si uu ugu diro Dawarsadaha Lacag dhan 200.000 Dolar taasi oo uu ugu
talagalay Dawarsadaha iyo Qoyskiisuba in ay fakhriga kaga baxaan.
Safiirkii markii Lacagtii loo dhiibay waxaa dhacday in uu
hungureeyey Lacagtii,naftriisana kula shawray
“” oo kaalay Miskiinka dawarsadaha ah ee shilimaadka Suuqa ka
urur sadaa muxuu ka og yahay lacagta intan leeg” kadibna waxa uu go’aan saday
in uu diro Lacag dhan 20,000 Dolar .waxaanu la hadhay 180,000 dolar.
Safiirkii waxa uu la hadlay Gudoomiyahii gobolkaasi uu ku
nool yahay Dawarsadahu,waxaanu ka codsaday in Lacagtaasi dhan 20.000 Dolar loo
gudbiyo lana siyyo Dawarsadaha.
Gudoomiyahii Gobolka markii Lacagtii dhamayd 20,000 dolar ay
soo gaadhay,waxa qalbigiisa kusoo dhacday in lacagta intan leeg aanay suura gal
ahayn in la siiyo Dawarsade suuqaa Caantaynada ka gurta kadibna waxa uu isna
go’aan saday in Dawarsadaha loo diro Lacag dhan 2000 Dolar,waxaanu warbixintii
iyo Lacagtiiba ku hagaajiyey Gudoomiyahii Xaafada uu ku yaalo Madxafka uu ka
Dawarsato Dawarsadahu.
Gudoomiyahii Xaafadu markii ay soo gaadhay Lacagtii iyo
warbixintii oo wada socdaa waxa markiiba maskaxdiisa kusoo dhacday “Alaylahe
Dawarsadahani 2000 Dolar awoodiisaba maahe waxa aad u dirtaa 200 Dolar”
,kadibna waxa uu fariin u diray Maamulahii Xaruntii uu Dawarsadahu hor fadhiyey
waxaanu u dhiibay Lacag dhan 200 Dolar .
Maamulahii Xarunta markii loo dhiibay 200 Dolar ,waxa uu ka
fikiray in uu Dawarsadaha siiyo Lacag dhan 20 Dolar tasoo uu u fahmay in ay
Dawarsadaha waxtar wayn u tahay ,waxaanu Lacagtii ugu dhiibay Askarigii
waardiyaha ahaa .
Askarigii ayaa waxa uu soo
kor istaagay Dawarsadahii waxaanu gacanta ka galiyey 20-kii Dolar
waxaanu ku yidhi:-
Poliskii .Ma xasuusataa ninkii Dalxiisaha ahaa ee Sawirka kaa
qaaday ?
Dawarsadii. Haa waan xasuustaa .
Poliskii. Waxa uu kusoo dilay Lacagtan 20 Doolara.
Dawarsadii.wuu mahadsan yahay ,Poliskuna waa daacad.
Dawarsadahii Fadhiga ayuu ka kacay ,waayo maanta Lacag fiican
ayuu helay oo aanu intuu Noolaa soo marin .
Lacagta uu Dalxiisahu Dawarsadaha usoo diray iyo siday usii
yaraatay ee marba Siiroo am Eber (0) looga saarayey waxa ay usu dhintay qaabkan
:
Suiday Lacagtu usii yaraatay :-
200.000 dolar
20.000
2000
200
20
Hadaba sheekada maxaad ka faa’ideen ma
xaase idiinka soo
baxay.
Waxyaabaha caawimada ah ee Dawladaha Gaalada ama Muslimiintu ay afrika ku caawiyaan waxa ay soo martaa intaaso gacmood kadibna waxaa aakhirka inoo yimaada wax yar oo aan wax tar lahayn,waana qiyaas laga qaadan karo waxa ay ku dhawaqaan iyo sida loo musuq maasaqo.
Waxyaabaha caawimada ah ee Dawladaha Gaalada ama Muslimiintu ay afrika ku caawiyaan waxa ay soo martaa intaaso gacmood kadibna waxaa aakhirka inoo yimaada wax yar oo aan wax tar lahayn,waana qiyaas laga qaadan karo waxa ay ku dhawaqaan iyo sida loo musuq maasaqo.
Aniga waxaa iiga soo baxday in Poolisku ama Askartu ay daacad yihiin lana
aamini karo,waliba iyaga oo ah kuwa ugu hawsha iyo dhibaatada badan,wax mushaar
ku filana aan qaadan dalka iyo dadkana maalin iyo habeen Cedceeda u taagan.
Waxa kaloo sheekada aan ka faa’iiday in Ilahay oo la isku
xiidhaa aanay ahayn wax sahlan.
Waxa kaloo iiga soo baxday in madaxda saree e Qaranka fari ku
godan tahay loona baahan yahay in ay sidan wax ka bedalaan.
W/Q: Khadar Ibrahim Aar
France Paris
No comments:
Post a Comment