Lama yaqaan magaca Itoobiya inta gu’ oo uu jiro, waxaase xogta la hayo marka la eego, lagu adeegsaday gabayo uu tiriyey nin Giriig ah oo noolaa 850 MH ama 400 oo sano muddadaas ka hor. Gabayadaas oo la kale yiraahdo Iliad iyo Odyssey waxaa la siiyey inuu tiriyeyHomer , in kastoo ay waayohannadu ku murmaan. Boqortooyadii Aqsum baa u rogtay magaceeda Itoobiya qarnigii 4aad Masiixiga Dabadiis (MD).
Waayohannada qaarbaa qaba in magaca laga soo dhambalay erayga Giriigga ah ee Aithiopia oo macnahiisu yahay ‘ ninkii wajiga gubnaa’. Hase yeeshee, buugga la yiraahdo ‘Book of Aksum’ oo ka kooban sheekooyinkii Giis "Ge’ez" ee la aruurshay qarnigii 15aad, wuxuu ku tiraabay in magaca laga soo dhambalay Ityopp’is oo ahaa ina Kuush Xaam. Kaas oo sida la sheego unkay magaalada Aqsum.
Pliny wuxuu isna qabaa in magaca laga xigtay nin oran jiray Aethiops. Gabayaa la oran jiray Laureate Tsegaye Gabre-Mdhin wuxuu isna sheegay in eraygu ka yimid Masartii hore ee madoobeyd (cushite Egypt), yahayna Sicetopbia oo macnaheedu yahay " dhulkii nabadda ee sare".
Marka la raadraaco caddeymaha dambe waxaa muuqata in magacu ka soo jeedo dadkii reer kuush ee gobolka Bariga ilaa waqooyiga Afrika ku baahsanaa.
Abbaaraha qarnigii 8aad ee MH ayaa boqortooyo la oran jiray D’mt ka abuurantay waqooyiga Itoobiya iyo Erratariya caasumadna ay u aheyd Yeha. Badi waayahannadu waxay qabaan in boqortooyadaasi aheyd mid reer guri Afrikaana ah, in kastoo qaar kale qabo in ka sameysnayd isku-dhaf reer gurigii dhulka iyo qolo ilbax ahedy oo ka soo tallaabtay Badda Cas oo la oran jiray reer Saba’, waxaana la hayaa caddeymo muujinaya raadad reer Saba’ ah laga soo bilaabo 2000 MH.
Boqortooyadii D’mt waxay burburtay qarnigii 4aad MH, Waxaana dhulkaan taagagga sare ah ka abuurmay boqortooyin yaryar oo isku xigxigay. Waxaa qarnigii 1aad MH soo if baxday boqortooyadii Aqsum taas oo awoodday inay mideyso aagga. Waxay boqortooyadaasi saldhig ka dhigatay dalcadaha sare ee waqooyiga, waxayna si joogta ah ugu soo fidaysey dhanka Koonfureed. Waxay ku taallay Aqsum kob door u aheyd ganacsiga, siiba kay la laheyd Roomaankii iyo Koonfurta Jasiiraddda Carabta. Waxay magaaladaasi awood ku yeelatay ganacsigaas, waxaana dekad u aheyd Adulis oo u dhaweyd Musawac.
Waxaa kale oo jiray magac kale oo loo yaqaannay dadka dega dhulkaan soo sheegnay waana Xabashiyiin (waxaa la sheegaa in qolo Tigreyga ka mida la oran jiray markii hore), waana magac Carabtii hore u tiqiin dadkaas. Isla magacaas baa laga dhanbalay magacaAbyssinia oo loo yaqaannay labada qolo ee Amxaarada iyo Tigreyga. Waxaa marmar magaca Abyssinia loo adeegsaday sida magaca Itoobiya oo kale, waxaana si gooniya loogu yeeri jiray gobollada Waqooyi-Galbeed ee Itoobiya ee Amhara iyo Tigray. Inkastoo qorayaasha qaar ku tilmaamaan labadaan isir inay ka soo jeedaan Saba’, waxay qoraallo kale tilmaamayaan in reer Sab’ ay asalkii hore, ahaayeen Kuushkii degay Koonfurta Carbeed bilawgii degalladaas.
Waxaa kaloo jirta aragti kale oo sheegaysa in Minilikhii 1aad uu aabbihi u aaday Joorisalaam ama Beitul-Maqdis , ka dibna aabbihii markuu soo anbabixinaayey ku soo daray ciidan Yuhuuda oo wada santuuqii loo yaqaannay Ark of Convenant. Santuuqaas oo diinta yuhuuddu weyneyso waxaa ku jiray baa la rumeysan yahay Mannaa oo ah cuntadii ay cuni jireen reer Banuu Israa’iil intii ay ku jireen Ciqaabtii Jaahwareerka ee lagu xusay quraanka kariimka ah, Ushii Haaruun iyo dhagaxii xalleefka ahaa ee ay ku qornaayeen Tobankii Amar ee Tawreed. Kuwaas dambe ee yimid waxay ka guursadeen dadkii degaanka ee reer guriga ahaa, firkoodiina waxay noqdeen sida la sheego, dadka loo yaqaan Falaasha.
Waxaa ka abuurantay Itoobiya Boqortooyo Yuhuuda oo uu bilaabay Menelik I oo xukumayey 204 ilaa 179 MH. Waxaa la rumeysan yahay inuu boqorkaasi ahaa ina Nebi Suleymaan, hooyadiina aheyd Makiida ama Balqiis. Wuxuu isla boqorkaasi gundhig u noqday boqortooyo taxane noqotay oo la magac baxday "Solomonic dynasty" oo uu u dambeeyay boqor Haile Selassie/hii la afgambiyey 1974tii. Waxaase jirtay boqortooyo iyana taxane aheyd oo kale goysay saldanadii taxanta aheyd ee Suleymaaniga aheyd, waxaana la oran jiray Zaqwe dynasty (waxaa la filayaa in magacaasi ka soo jeedo Z oo laga soo qaatay afkii Ge’z iyo Agaw oo ah qoloda Agaw) oo aan iyadu ku abtirsan Nebi Suleymaan, balse ku abtirsan jirtay dadweynaha Kuush oo ahaa reer gurigii asalka ahaa ee dhulka.
Waxaa la filayaa laga bilaabo qarnigii 9aad ilaa 10aad ilaa 1270 inay ka talisay Itoobiya. Waxaa afgambiyey boqortooyadaas Yekuno Amlak oo boqorkii reer Agaw ku dilay goob dagaal. Wuxuuna soo ceshay taladii Saldanaddii taxanaha aheyd ee Suleymaaniga aheyd. Boqortooyadaan waxaa si joogta isugu bedbeddalaayey labada isir ee kale ah Amaxaarada iyo Tigrayga oo la siiyay magaca Xabasha ama Abyssinia.
Sannadkii 316 MD nin masiixiya, filasoofna ahaa oo Giriiggii Suuriya ka mid ahaa, lana oran jiray Meropius baa ka soo tagay Tyre(Suuriya). Waxaa la socday ninkaas labo nin oo walaalo ah oo la kale oran jiray Frumentius iyo Aedesius.
Waxay raggaasi sahan u soo aadeen xeebaha Afrika. Wuxuu markabkii ku caariyey xeebaha Badda Cas, waxaana rakaabkii saarna laayey dadkii degaanka. Waxay dadkii degaanku badbaadiyeen labadii wiil ee walaalaha ahaa oo la geeyay madashii reer boqor ee Abasiiniya. Labadaasi waxay ku cibaadeysan jireen diinta masiixiga si qarsoodi ah. Waqti yar ka dib waxay qabadsiiyeen boqorraddii iyo koox gurigii reer boqor ka tirsanaa, diintii cusbeyd. Markii boqorkii dhintay baa boqoraddii u magacawday Frumentius jage sare iyo inuu bare u noqdo wiilkeedii ahaa Ezena (waa boqorkii burburiyey boqortooyadii guunka aheyd ee reer kuush ee Meroe ama Miira caasumadda u aheyd).
Markii Azena uu qaangaar noqday oo loo caleemo saaray boqornimo, isla waagaasba waxay si rasmi ah masiixiyaddu u noqotay diinta dawladda Itoobiya, waana dalkii labaad ee dunida si rasmi ah uga dhiga masiixiyadda diinta dawladda. Waxaa kaliya oo ka horreeyay Armiiniya.
Madaama diinta masiixigu ka soo bilaabatay guriga reer boqor, madaama boqorkii bilawgu ahaa ina nebi, waxaa dhaqan noqotay boqorka iyo xaashiyaddiisaba in loo tixgeliyo sidii rag diimeed ama awliyaadba. Arrintaas waxay boqorradii ka caawisay taageeriddii shacabka iyo la-duubnaantii lala duubnaa boqorradii weerarka badnaa.
Wadajirkaas shacab iyo madaxeed wuxuu cudud u noqday hannaanadii dawladeed ee awooday inay dhulal badan furtaan. Waana sababta aasaaska u ah ka-awood-roonaatii saldanadihii islaanka ahaa ee qeybsanaa ee mar walba loollan madaxeed gudaha ahi ka dhex jiri jiray.
Waxaa la oran karaa, waxaa Abasiiniyiinta riixaayey oo ku dirqinaayey inay weerarro joogta ah galaan arrimahaan;
1- intii uu jiray ganacsigii Roomaanku, waxaa jirtay in milixu ahaa badeeco wanaagsan, marmarna iyadaaba aheyd lacagta wax lagu kale beddesho. Waxaa badeecadaas hodan ku ahaa dooxooyinka Cafarta. Waxaa kaloo mar walba door ahaa dahabka, wuxuuna buuxay deexooyinka Wabiga Niil ee buluugga ah. Labadaas meeloodba Abasiiniyiintu waa qabsadeen, intii uusan bilaabmin loollankii dheeraa ee iyaga iyo Soomaalidu.
2- Markii uu dhammaaday ganacisigii doorka u ahaa Aqsum, waxaa timid baahi weyn oo loo qabo hantidii ay ku jiri laheyd habsocodkii boqortooyadu. Waxay markaas si daran ugu haliileen Abasiiniyiintu degaannadii dadyowga reer kuush ee hodanka ahaa ee aan masaafo ahaan ka dheereyn. Sidaas darteed, waxay boqorradii Abasiiniya abuureen hab ciidan oo lixaad leh, una sameysan bililiqeysi. Waxaa ciidaankaas dhaqaale u ahaa hantidii dhulalkii la furanayey, boqorkuna wuxuu ahaa mid hoggaansha ciidammada, xaruntiisuna waxay aheyd mid had iyo jeer meerto ah.
3- Fikir-Diimeed adag; waxay rumeysnaayeen inay xanbaarsan yihiin dhambbaal rabbaani oo ay kor yeelayaan tan Eebbe. Labada diimood ee Tawreed iyo Injiilba way isku xiriirsheen, waxayna si joogta ugu beer dulucsanayeen xoogaggii dunida ee diimahaas qarniyaal badan. Waxaa arrintaan dambe tusaale u ah warqaddii caanka aheyd ee Minilikhii 2aad u qoray xogaggii reer Yurub qarnigii 19aad oo uu ku sheegay inay boqortooyadiisu tahay jasiirad dhex sabbeynaysa bad cawaana ama diinlaawe ah.
4- Waxay Itoobiyadii xoogga lagu sameeyay ee ballaaratay u baahatay marin-badeed. Ujeeddadaan waa tii kalliftay dagaalkii lagu hoobtay ee in ka badan 30 sano dhex yiil Abasiiniya iyo Errateriya, waana tii ay Jubuuti ugu nabneyd, waqtigaan la joogana waa qodob ku culus istaraatiijayadda Abasiiniyada cusub.
W/Q: Cabdi Aadan
No comments:
Post a Comment