Sh Maxamed Cabdi Daa’uud wuxuu sharxay in ay ribadu xaaraan tahay. Waxaa si aad aftahamo ku dheehan tahay uga soo sheekeyey taariikhda iyo dhammaan Kutubta Samaawiga ah iyo sida ay isugu waafaqeen xaaraan-nimada ribada. Waxaa uu gunta ka jaray in aan sinama ribada lagu banaysan karin. Waxaa la yaab badan igu riday sadex umuurood oo ka soo baxay gebogebada qoraalkiisa:
Qodobka Koowaad
Qodobka Labaad
Qodobka Saddexaad
W.Q. Sh Ibrahim Xirsi Galow
Qodobka Koowaad
Wuxuu ku eedeeyey labada baan ee hadda jira (Dahabshiil & Salama) in ay isticmaalaan ribo oo baananka kale iyagu ribo ka qaataan ama ribo siiyaan. Taas wax daliila ama cadayn ah uma keenin. Waa eedayn aan meesheedii dhicin oo nin sidaas u weyn aanu ku hadli karin isaga oo aan aqoon durugsan u lahayn ama ku dhex jirin shaqada baanankaas.
Tusaale ahaan anigu waxaan u shaqaynayey muddo 22 sano ah mid ka mid ah kembinayada ama baananka Sheekhu sheegayo in kasta oo hadda muddo gaaban oo bilo ah aan ka sii maqnaa. In ka badan 15 sano waxaan gacanta ku hayey qaar ka mid account-yada ay ku leeyihiin baananka Faranjiga. Marka account aanu ka furayno waxaanu heshiis kula galaa in aanay ribo na siinin, ribana noogu darin. Kuwa taasi ka suurto geli karin waxaa laga saaraa dulsaarka ay ku dareen bil kasta waxaana lagu ururiyaa meel gaara si loogu bixiyo meelaha Culimada Islaamku ku taliyeen in lagu bixiyo, gebi ahaanbana waxaa uu kembenigu ka fogaadaa in lacagtaasi soo gasho hantidooda. Wax ribo ah ma goostaan waayo wax amaah ama draft ah sinama ugama qaadano.
Qodobka Labaad
Arinta labaad ee iga fajicisay waxay tahay Sheekh Maxamed Cabdi Daa’uud isaga oo ixtiraam weyn iga muddan wuxuu shaqadii Baananka Islaamiga ku shaqeeya ku dadafeeyey oo qaar ribada kaga fog ka dhigay macaamiladda loo yaqaan muraabaxo oo ah in qof sixir suuqa wax ka sareeya lagaga gado mar haddii qofku shaygaas dayn ku qaadanayo.
Horta qofkan wax gadanaya wuxuu dayn ku gatay alaab aan ahayn dahab iyo lacag arintaas oo marna ribo soo gelin sida Sheekhu cadeeyey. Waxaa run waaqici ah tusaale ahaan dukaankaaga qofka kuugu soo gala ee wax kaa iibsanaya marka uu naqad kaaga iibsanayo waxaad u janjeedhaa inta aad faa’iido yar ka hesho in aad mar labaad alaabtii soo iibsato si mar labaad aad u socod siiso. Taas waxaa ka duwan alaab dayn aad ku bixinayso oo lacagteedu kaa maqnaanayso sanado waxaa qasab ah in faa’iidada la saarayaa ay ka badanayso ta naqadka lagu kala iibsaday: Waayo?
Jawaabtaasi way iska cadahay iibkan daynta ah ee muddada dheer lihi wuxuu halis u yahay laba shay oo kala ah: in aanay dayntaasi sooba noqon ama badhkeed soo noqon. Halista daynta muddada dheeri way ka badan tahay halista iibka naqadka. Halista labaad waa waxa loo yaqaano inflation-ka ama sixir bararka. Labo sano ka dib qiimaha lacagta la amaahday ee soo noqonaysaa way ka hoosaysaa lacagtii lagaa amaahday laba sano ka hor taasna waxaa keena qiima dhaca lacagta uu ku keeno sixir bararka oo hoos u dhiga qiimayaasha lacagta marka la barbar dhigo alaabta iyo dhulka oo iyagu aanu qiimo lumisi ku dhicin. Sidaa daraadeed haddii faa’iidada amaahdu aanay ka badan ta naqadka qofka ganacsadaha ahi wuu kacayaa cid cid wax aamahinaysaana ma jirto.
Sanadkii baananka iyo kambaniyadu waxay ugu tala galaan amaah aan soo noqonayn (bad debt) ilaa in ka badan 20-30% faa’iidooda ah in ay liqdo inta aan la gaadhin kharashaadka kale ee ku baxaya wax soo saarka faa’iidada. Sidaa darteed (Habar Fadhida Legdini Wax Uga Fudud), arintuu sidaa moodaysan maaha Sheekhana in muraabaxo iyo ribo is barbar dhigo si loo ogolaado baananka ribada sina ugu suurto gelimayso.
Qodobka Saddexaad
Qodobka sadexaad wuxuu yahay Sheekhu inta uu labada baan ee jira colaad iyo dagaal wuxuu hayey kula dul kufay ayuu wuxuu ku gabagabeeyey in baananka ribada la fasaxo si shaqooyinka aanay qaban karin baananka hadda jiraa loo qabto oo ah maalgelin loo baahan yahay.
Sh Maxamed Cabdi Daa’uud aad ayaan ugala hanweynaa in ribo cad baneeyo isaga oo ka hadlaya maalgashi. Haddii maalgelin lagu helayo dariiqo aan ribo ahayn Sheekha waa ka aqbalaynaa. Wixii ribo ah waad ogtihiin in ‘Western World’ ay ku jiraan dhibaatooyin ka dhashay dul saar xad dhaafay oo siyaabo khaldan loo tacbay oo lacagihii cashuur bixiyayaasha dawladuhu ku badbaadiyeen baanankii lumiyey trillions ka.
Ugu danbayn walaalaha Sheekha warkiisa dhegaha u ruxay waxaan leenahay Sheekhu ribada iyo xaaraan-nimadeeda si fiican ayuu uga hadlay, hadana wuxuu ku gabagabeeyey in loo baahan yahay. Ilaahay ayaan ka magan galay "Dagaalkiisa"
قال تعالى: ﴿ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ وَذَرُوا مَا بَقِيَ مِنَ الرِّبَا إِنْ كُنْتُمْ مُؤْمِنِينَ * فَإِنْ لَمْ تَفْعَلُوا فَأْذَنُوا بِحَرْبٍ مِنَ اللَّهِ وَرَسُولِهِ وَإِنْ تُبْتُمْ فَلَكُمْ رُؤُوسُ أَمْوَالِكُمْ لَا تَظْلِمُونَ وَلَا تُظْلَمُونَ ﴾ [البقرة: 278 – 279].
Sheekheenaa walaahay maalin aan maanta ahayn ayeynu ka shanlayn haddii ribo cad la baneeyo.Walaalaha taageeraya ribada waxaan leeyahay aan ka warwareegno oo haddii si kale oo aan ribo ahayn maal-gelin haloo raadiyo.
Wa-billaahi Towfiiq.
W.Q. Sh Ibrahim Xirsi Galow