Cabdimaalik Muuse Coldoon oo aan ku aqaanay in uu dadka tabalaysan u gargaaro gacana siiyo ,ayuunbaan baryahan danbe waxa aan ku arkay baraha warbaahinta isaga oo suuqyada Muqdisho hangalaysanaaya,kadibna waxaan iswaydiiyay Cabdimaalik ma sadaqadii ayuu siyasad u badalay.
Waxa aan baraha warbaahinta si aad ah uga maqlayay iyada oo la hadalhayo xadhiga ay Somaliland u gaysatay Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo sida runtii mararka qaar aan la kala garan ujeedadiisa iyo ka jeedadiisa.
Cabdimaalik Muuse anigu waxa aan u aqanaa kuna bartay in uu yahay nin u adeega dadka masaakiinta ah ee baahin,runtiina waa arin aad iyo aad u fiican una baahan in Cabdimaalik Muuse lagaga daydo.
Cabdimaalik waxa aan anigu isleeyahay ,waxa ay dadku kaala simanyihiin ,barashada aad ku baratay, barnaamijka uu ugu magacdaray Kaaalmee Kuwan ,kaasi oo ah barnaamijka uu kusoo caanbaxay Cabdimaalik,khayr Allah ha ka siiyee.
Cabdimaalik waxa kaloo iyana soo gudbin jiray barnaamij ku saabsanaa su'aalaha la waydiinaayo dadka ku dhaqan magalada Burco,kaasi oo isaga laftiisu ahaa barnaamij ay dadku aad u jeclayeen walow ay mararka qaar barnaamijyadaasi ay ka muuqdeen in ay yihiin kuwo aan sidii loogu talagalay aan u cilmiyaysnayn,hadana sidasoo ay tahay waxa uu ahaa barnaamij ay dadku iskaga madadaashaan.
Cabdimaalik Muuse Coldoon waxa wakhtiya danbe hadana lagu arkay isaga oo samaynaayay barnaamijyo aan isleeyahay runtii waxa ay u baahan yihiin aqoon dheer oo saxafadeed,kuwaasi oo ay ka mid ahayeen warisiyada uu ka qaadaayo dad ay ku dhaceen danbiyo iyaga loo gaystay ama kuwo iyaga laga galay.
Cabdimaalik barnaamij-yada aadka loogula yaabay waxa ka mid ahaa, waraysigii uu qaaday 13/6/2016 kana qaaday ninkii Oromada ahaa ee loo haystay in uu cunay Inanyar (gabadh) kasoo jeeda Deegaanka Burco ; kaasi oo qaabka uu u waraystay uu ahaa mid ka baxsan anshaxa saxafada.
Waraysigaasi laftiisa oo ahaa midkii lagu xidhay ,kadib markii uu ka hordhacay baadhistii ay dawladu ku samayn lahayd dadkii danbiyadaasi loo haystay ,waxa kaloo uu wakhtigaasi turjumaan u radsaday ninkii danbigan dilka loo haystay oo ahaa nin Oromo ahaa.
Sidoo kale waxaa jiray Cabdimaalik waraysiyo uu ka duubay caruur markaasi aanu sharcigu u ogolayn in uu waraysto sida Inankii yaraa ee la walalaha ahaa Inantii yarayd ee lagu sheegay in uu cunay ninka Oromada ahi oo da'diisa lagu qiyaasi karo shan sano.
Cabdimaalik waxa uu noqday saxafi garab-rarato ah oo magalada Burco isaga dabqaada,waxa uu samaystay kooxo iyaguna u matala hadba meesha uu isleeyahay waxa aad ku weerari kartaa decayadaada ,waxa uu noqday nin madaale ah oo Kamaradu garabka u sudhan tahay urcana waxa uu ka noqday Xidig.
Cabdimaalik Muuse runtii dhinaca saxafada marka aad eegto waxbadan ayaa iskaga qaldan, taasina waa mida keenaysa in uu kolba barnaamij-yo yaryar oo musalsal ah in uu iska soo duubo isaga oo inta badan wax kaga sheegaaya dawlada Itopiya.
Cabdimaalik waxa uu samaystay qorshayaal iyo shaqooyin aan isla falgalayn, Cabdimaalik caawintii dadka tabalaysan waxa uu damcay in uu uga fa'idaysto mashruucyo kale oo markaasi qalbigiisa ku sharaxna balse qaab uu isaga soo saro aanu haynin.
Cabdimaalin shaqooyinka aan isqabanayn ee uu damcay in uu is-qabadsiiyo waxaa ka mid ahaa,quudinka dadka tabalaysa,saxafi madax banaan,sisaasi dhaantaynaya oo hadba calan huwanaya ,Somaliland nin jecel,Somaliyana ay qalbigiisa ku daabacan tahay,arintiisu waa dab iyo dhagac layskuma dhuftee kala dhawra.
Anigu kamasoo horjeedo fikirkiisa shakhsiga ah,waanu u madax banaan yahay,xaqna waxa uu u leeyahay in fikirkiisa umada u gudbiyo, balse waxaa ii muuqatay in Cabdimaalik qaabkan uu fikirkiisa iyo dareenkiisa u gudbinayaa in uu yahay mid ka baxsan anshaxa saxafada.
Cabdimaalik ha noqdo oo haw badheedho in uu noqdo siyaasi,taasi ayaan cid kula yabaysaa anay jirin,walaw aan isleeyahay Cabdimaalik madamaa uu yahay dadka u dhaqma sida caadifada ah in aanu noqon karayn siyaasi,balse waxa uu ku fiican yahay dadka looga fa'idaysto dhinaca arimaha bulshada.
Waxa kaloo iyana meesha ku jirta,Cabdimaalik waa maxay shaqada uu hayaa ee loogu soo hagaagayaa,masaxafibaa ? haduu saxifi yahay waxaa jira xeerar qabanaya una diidaaya in qaabkan caadifada ah ee uu wax usoo gudbinaayo in uu joojiyo.
Ninka saxafiga ah looma ogola in uu dhan ka noqdo barnaamijyada siyaasiga ee ka jira madaqadaa uu markaasi joogo,taasina hada waxa ay ku tusinaysaa in Cabdimaalik uu yahay nin aan saxafi ahayn ee marba meeshii ay ula eekoonaato Makarafoonkiisa ula kaca.
Cabdimaalik shaqadiisu hadii ay tahay u gargaarka dadka tabalaysan,taasi oo midii ay dadka oo dhami ay ku barteen,ha ogaado hadiiba uu arimahan siyasada uu sidan uga dhexmuuqdo in barnaamijkaasi aanu u suura galayn, dadkii uu dadka wax u waydiinayayna in aanay ka yelaynin arimahan.
Hadii aan usoo guda dhaco xadhiga Cabdimaalik wakhtigan xaadirka ah la xidhay,anigu waxa aan isleeyahay Cabdimaalik waxa uu ku suntan yahay heestii odhan jirtay "Hasha labada geed jecel ,midna gaadhi waydee,kolba gees u carartee , laba gabi dhexdood Warabahu ku gowracay"
Cabdimaalik Somaliland waan jeclahay hadana siyasada Somaliyana waxaan uga dhex muuqanayaa qaabkan aan cilmiga ku dhisnayn,saxiib labadaasi isqaban mayaan,taasaina waxa ay adiga kuu keenaysaa dhibaato.
Cabdimaalik hadii uu leeyahay waxa aan ahay fanaan oo waan heesaa,waa loogu garaabi karaa,Xamar iwm waa uu tagi karaa waana dhul Somaliyed, sababta oo ah qolyahaasi heesaha iyo Durbanada ku shaqaystaa ,iyagu waxa la odhan karaa malaha wax xusuud ah,cida ku qabsataana waa ay ka gardaran tahay ,waxaana xukuma hadba halkuu dadku ay farta iyo suulka isugu garacaan ,marka ay ka helaan heesahooda qalam-jalamta ah.
Hadaba Cabdimaalik oo awalba ay Somaliland ulo-booca ugu tukubaysay,ayaa hada waxa uu gudaha ugu dhacay dabinkii iyo shabaqii ay la doonayeen , kadib markii uu sharaca Muqdisho sidii uu dhaantaynaayo uu boodbooday.
Cabdimaalik iyo qayrkiiba waa ay tageeri karaan hadba madaxwaynaha kasoo baxa dalka Somaliya,waxanan isleeyahay arinta tageerada qofku xor ayuu yahay,balse waxa meesha aan qaban, waxa aan ahay saxafi oo waxa aan ka tirsanahay wasarada warfafinta ee Somaliland hadana waxa aan ku dhaqmayaa wax ka baxsan xeerka saxafada taasi waa qalad.
Waxa kaloo iyana aan warbaahinta ka arkayay, gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jamac (xuuto) kaasi oo iska bariyeelay in Cabdimaalik qaabkan uu u dhaqmayaa uu yahay mid aan ka turjumayn anshaxa saxafada,isaga oo gudoomiyahu cadeeyay in uu Cabdimaalik qaldan yahay.
Gari Alle ayay taqaan,Cabdimaalikna xor ayuu yahay,balse haduu uu isku qaso waxaan isqabanayn laga yeeli maayo,Cabdimaalik hore ayuu waxa uu u duubay barnaamijyo dhan ka ah dalka Itopiya hadana iyada oo ay sidaasi tahay ayaamo ka bacdi ayuu ka cudur-daartay isaga oo cadeeyay in uu qaldanaa.
Cabdimalik oo inta badan ay dadku ku barteen mararka qaar in loo arko in uu yahay nin Itopiya aad ula col ah,sameeyana muuqaalo iyo heeso uu kaga turjumaayo nacaybka uu u qabo Itopiya,balse waxa la odhan karaa qaabka uu markasta nacaybkiisa usoo bandhigaa waa qaab aan xataa ku fiicnayn nabad galyadiisa.
Cabdimaalik ayaa waxa aad mararka qaar ka dareemaysaa in sababta uu markasta Muqdisho u tagaa in ay tahay isaga oo u haysta in ay Muqdisho ay tahay meel Itopiya laga neceb yahay,balse waxanu ogayn in Muqdisho ay tahay Xarun Itopiya gacan ciidan iyo mid siyasadeedba ay ku hayso.
Xadhigiisa u danbeeya Cabdimaalik ,inkastoo aanay Somaliland wali kasoo saarin war rasmi ah,ayaa hadana waxa la filayaa in uu salka ku hayo tegitaankii Cabdimaalik uu tagay Muqdisho xiligii doorashada uu kusoo baxay Madaxwayne Farmaajo,iyada oo Cabdimaalik uu Farmaajo ka amin sanyahay sida aan isleeyahay nin kasoo horjeeda siyaasada dawladaha Itopiya iyo Kenya,balse Cabdimaalik waxaan kula talin lahaa Siyasiga iyo siyasada ha ku sirmin.
Cabdimaalik mida kale wakhtigan xaadirka ah waxa uu ahaa nin aroos ah,oo guursaday xaas cusub,taas lafteeda waxa aan saxiibkay kula talin lahaa,bal waxyar horta saldhig, xaajiyadan aad guursatayna ha ka nixinin, ilayn markasta waa ceeb in ninkii caruuska ahaa Jeelka Garawga loogu keenee.
Dhinaca kale haduu uu rabo Cabdimalik in uu kusoo caan baxo xadhiga, maaha xadhigu wax wanaagsan,hadii aad rabto dadku ay ku wada maqlaana ,waxaaba horay lagugu maqlay dadkuna aanay ilabayn, barnaamijkii sadaqada kasoo aad ajar iyo xasanaad ka helayso ; saxiib waxba kuu tarimayso in kolba nin siyasiyii inta uu idacadaha ka cadlo uu yidhaahdo Cabdimaalik siidaaya.
Guntii iyo gunanadkii waxa aan soo jeedin lahaa Cabdimaalik waxbadan ayuu dadbaahan wax taray,waxbadan ayaa dadyaw u baahan in la taakuleeyo uu dadka ugu qayliyay ,waxa ila fiican in intaasi loogu naxariisto,isaguna uu garto shaqadiisa rasmiga ah ee loogu soo hagaagayaa waxa ay tahay,mawqifkiisana uu cadeeyo hadii kale sidan isaga ku dhib qaba.
Wabilaahi tawfiiq.
khadar-aar.blogspot.com
facbook.khadaraar@hotmail.com
khadaraar101@gmail.com
WQ/Khadar Ibrahim Aar
No comments:
Post a Comment