SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waa maxay caqabadaha hortaagan halganka Jabhadda ONLF ?

Marka hore waxaa aan halkan mahad baladhan uga dirayaa Rabigeena csw Cırka taagay tıır la,aan dhulkana goglay,aadmıgana ka dhigay noole idilkıı kan ugu sharafta badan,una soo diray Nabi Muxamed (N.N.K) ahaana kii lagu khatımey Nabiyada.

Farriin Ku Socota Ardayda Ka Qalin-jebisay Jaamacadaha Dalka

Hir cusub oo nololeed ayaa bilaabmay. Farxad, rejo iyo riyaaq ayaa kugu kulmay, sahanka mustaqbalkuna geeddi hor leh ayaa uu hilaadiyay. Waa ku kan, oo saaka xafladdii qalinjebintaada ayaa loo fadhiyaa. Laba illaa saddexdii cisho ee ka horreeyay waxa aad ku jirtay isu diyaarinta ka qaybgalka xafladdaas sida weyn loo agaasimay.

Faallo;.Yaa ku guuleystey dacwaddii Xisbiga Ucid ?

Waxaa dhowrkii bilood ee ina dhaafey ,dacwad xagga sharciga ahi ka aloosneyd Xisbiga UCID gudihiisa iyada oo ay soo martey marxalado kala geddisan ,aakhirkiina ay soo gaadhey halkii ugu danbeysay ,oo ah maxkamadda sare ee Jamuhuriyadda Soomaliland.

Gumaysigu Afrika lixdankii daqadu ka baxay; Albaabkana waa uu kasoo galay.

Waa maxay gumaysi ? Yaase la gumaystaa? Yaa wax gumaysta? Runtii waa sadax su'alood oo u baahan in la ga jawaabo.hadii aan isku dayo anigu fikir ahaan in aan su'aalahasi jawaabo ku haboon u raadiyo, waxa ay ila tahay.

KHATARTA SHIRKIGA.

Ilahay oo SW loo shiriik yeelaa ,waa khadarta ugu wayn oo qofka muslimka ah If iyo Aakhiraba.Waana camalka ugu danbiga badan ee uu Ilahay aanu marnaba dhaafin.Sidaa awadeed waxa ila fiican in laga taxadaro,iyada oo la baranaayo sida uu ku yimaado.

Halku-dhigga maanta .dhaqanka iyo dabeecada.

 
Raaxadu waa afar: Raaxada jidhka oo ku timaadda cuntada oo la yaraysto, raaxada ruuxda oo ku timaadda dembiga oo la iska yareeyo, raaxada qalbiga oo ku timaadda is mashquulinta oo la yareeyo iyo raaxada carrabka oo ku timaadda hadalka oo la yareeyo.

Way isoo korisay iyada oo i moodaysa Ilmaheedii !

Dagalada iyo durufaha kala gadisan ee dalka wakhti aad u badan kasoo dhacayay ,waxa ay noqodeen kuwo umada gaadhsiiyay dhib aanay kasoo kaban karin,taasi oo ilaa iminka wali ay ku kala maqan yihiin qoysas iyo dad yaw aad u fara badani.

Maxaa Lagu ogaan karaa in Ganacsigaagu horumar sameeyay?

Horumarka uu sameeyo ganacsigaada ma ahan wax hal maalin ku yimaada ee waa wax marwalbo qaato wakhti dheer. Si aad u hesho guulo la taaban karo ee ku aadan ganacsigaada waxaa wanaagsan inaad ogaato waxa loo yaqaano horumarka ganacsiga. Mudooyin badan ayaa aad loo tafatiray waxa loo yaqaano horumarka ganacsiga (business development). Ganacsiga wuxuu kasoo bilow maa meel hoose waxaana marwalbo sarre u qaadi karo waa aas-aasihii fikrada ganacsigaas.

Sida loo kala cunto badan yahay, looma kala caqli badna.

Qoraalkaan kooban ayaa si diiran u taabanaayo caqli badnida iyo qiimaha cilmiga. Damcan cidwalbo ayaa og qiimaha uu leeyahay cilmiga iyo caqliga. Caqligu wuxuu qabto waanu ognahay cilmigana kaba sii daran.

Halku dhigga maanta: Bud ayaa madaxa laygala dhacayaa habeenkiina......

Dad badan oo Somali ah, ayaa waayadan danbe waxa ay soo galeen, wadamada Qurbaha gaar ahaan wadamada Yurub iyo Maraykan iwm, amma hadaan si kale u idhaahdu wadamada Gaalada.

Qaadka maxaa iga raacay,sheeko gaaban.

Waa duhur; qoraxdu korkayga ayay qotontaa, falaadheheeda dhinbiisha ka kululina dhakadayda ayay ku dhacayaan. Dhidid aad dhareer mooddo ayaa dhafoorkayga ka tifiqlaynaya, mase dhaaddani oo dhib ka weyn baa i haysata. Ma waayin wax la cuno, mana waayin wax la cabo.

Tariikh kooban.Gabayagii Waynaa.Maxamed Xaaji Cabdi Dhuule (Loodh) iyo gabaygii Holland kama qadeeyeen ninkii Hala dhex joogaa.

 
Jiritaanka ummadi ay jirto waxaa sal u ah,hadba inta uu gaadhsiisan tahay ,kaydinta iyo ururinta hal-abuuradoodii caan baxay ,kuwaasi oo ay markasta ka helayaan sooyaalka iyo tariikhdii ay umadani lahayd.
 

Talo ku socota Mudane Cali Warancadde .

Cali Maxamed Warancade ,waa Siyaasi ka caan ah dhamaan Somaliland iyo gayiga Somalidaba,Cali Warancade waa nin in badan wakhtigu u saamaxay in uu Somaliland kasoo qabto xilal Wasiirnimo iwm .

Kumaad tahay adigu ?

Nin, xaaskisa iyo carruurtiisa oo safar ku gudojiray, ayaa waddada ku arkay nin dhex taagan, waxaanay weydiiyeen oo ninkii waddada taagnaa, kumaad tahay? ninkii waddada taagnaa, ayaa ugu jawaabay, ?Waxaan ahay maalka la doon doonayo.?

Halku-dhigga maanta :- Bakhayl-ku ma qarsoomo.

Nin Bakhayla ah ayaa waxaa u soo hoydey niman marti ah, markii ay qolqolka isa soo taageen ayay weydiiyeen; "Reerku waa reerma?" markaasaa loo sheegay magaciisa. Waa reer "Colhaye".

Hadii lagu ka dooran siiyo ? Dukhsiga iyo Shinida iyamaad ku dayan lahayd?

Waxaa laga yabaa in ay kugu yara adkaato amma aad la yaabto su'aashan ah:- *Dukhsiga iyo Shinida iyamaad ku dayan lahayd !! Alla jawaabtu fududaa : waa midnaba!!

WAA QISO KU YAAB GALIN DOONTA,SHEEKADII JULEYBIIB.

Saxaabiga Julaybiib waxa uu ahaa Nin Faqiir ah, oo midabkiisu madawyahay, dhererkiisuna gaabanyahay oo ka mid ahaa dadka ugu liita dhaqaale ahaan iyo magac iyo sumcad ahaanba magaalada Madiina. Qabiilkiisa lama garanayo, wuxuu Nabiga ugu tagi jiray maryihiisa oo jeexjeexan, manuusan lahayn wax hanti ah marka laga reebo kabaha uu sito iyo maryahaa uu gashan yahay. Wuxuu seexan jiray Masjidka Rasuulka (N.N.K.H).

QISADII ASXAABUL UKHDUUD

Waxa jiray boqor ka taliya meesha loo yaqaano Najraan oo imnka ku taala dhulka Sacuudi Arabiya. Boqorkaasi waxa uu lahaa nin saaxir ah (faaliye), kadib ninkii faaliyaha ahaa ayaa da’diisii waynaatay markaasuu boqorkii ku yidhi:-

Hadaad tahay Ruux gaaban, talaan kuu hayaa aad ku dheeraanaysid.


Aduunyadan aynu ku nool nahay Ilahay dadkiisa uu ku abuuray rooxna ruux-kale umuu eekaysiin ,Ilahay SW qofkastaba waxa uu u abuuray si gooni ah, qofkasta oo uu Ilahay abuuranay qaabkan uu u sameeyay maaha mid aynu inagu doorasho ku leenahay.


Waxa aynu isgu jirnaa ,kuwo dhaadheer iyo kuwo dhex-dhexaad ah ,waxa kaloo soo raaca iyaguna kuwo aad u gaa'gaaban, sidoo kale waxa aynu leenahay kuwo aad casaan u ah iyo kuwo waxa loo yaqaano mariinka ah,waxa iyaguna soo raaca kuwo madaw.

Shahaadada PHD ayuu sitaa wax ha ku dooran .

Saxibayaal waxa aan halkan doonayaa in aan kusoo bandhigo,aqoonta iyo aragtida aan ka qabo kana aamin sanahay ,in aan la isku qaldin hogaaminta iyo shahadada la magac baxday PHD.

Ma-jecli in aan dhaliilo saxibadayda dadaalka aadka u badan sameeyay,kuwaasi oo ilaa heer ay ka gaadhaan in ay hantaan gacantana ku dhigaan shahadada la magac baxday PHD ,dadaal ay galeen awadeed.

Somalidu maxay uga caado dhigataa isku sawirka dhulka cagaaran.

Inta badan waxa aynu aragnaa, in dadka Somalidu marka ay sawir galayaan, amma ay isa sawirayaan waxa ay raadsadaan oo ay dhabarka saraan, goob doog iyo cagaar leh hadaba maxay ayay tahay sababtu.

Dumarka Jannadu Xuuralcayn ma leeyihiin?

Magaca Ilaahay ayaan ku bilaabaynaa, waxaynaan u sugaynaa Ilaahay Mahadda oo dhan intaas kadibna waxaan ku sallinaynaa Nabigeenii Muxamed (N.N.K.H) oo ahaa naxariistii Caalamiinta. Assalaama Calaykum wa raxmatullahi wa baraaktuhu.

Warbixin ,Siday u Dhacayso dacwada Kenya & Somalia ee ku saabsan muranka Badda.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda oo ah Waax ka tirsan Qarammada Midoobay ayaa berri oo Isniin ah billaabeysa dhegeysiga dacwad dhex-taalla Soomaaliya iyo Kenya oo ku saabsan soohdinta Badweynta India ee labada dal ee deriska ah.

Qisadii asxaabul Kaaf (Hahfi) iyo wadanka ay daganaayeen.

Gaaladii reer Qureesh ayaa u tagtay Yahuuda, waxayna waydiiyeen "Maxaan ku samaynaa nin sheegaty nabinimo, waa nabi Muhammad (N.N.K.H)" Kadibna Yahuudii waxay tidhi waxaad waydiisaan sadex arrimood oo kala ah:-

Qisadii la-magac-baxday :- Qur'aanka jiidhay !

Waa maxay Quranku ? Quranku waa waa hadalkii Ilahay ee mucjizada ahaa, taasoo lagu soo dajiyay Nabi Muxamad (Nabad iyo Naxariis korkiisa ha-ahaatee) ayadoo loo soo marsiiyay Malagii sharafta lahaa ee Malakul Jibriil.

Suugan kooban oo uu leeyahay Gabayagii waynaa ee Xaaji Dallaayad.

Xaaji Maxamed Guuleed "Dallaayad", Ilaahay ha u raxmadee, wuxuu ka mid ahaa abwaaniinta Soomaalida ugu magaca iyo maamuuska weyn. Xaajiga oo qiyaasta dhashay xilli u dhaxeeyey 1900 - 1905.

Safiirka dalka Britain u fadhiya Sacuudi Carabiya oo Islaamay.

Safiirka dalka Britain u fadhiya Sacuudi Carabiya oo Islaamay ayaa ka mid noqday xujayda ac-maasha xajka gutay sanadkan Xaaji Simon Collis waxaa Xajka ku wehelisay xaaskiisa Huda Mujarkech.

Dulucda , Dardaaranka Ambaasaddor Cawil Adowgii ka dhaxlay.

Sidda Ambaasadoor , Xuseen Cali Ducaale , ku qoray , Buugiisa dhawaan soo baxay ee la yidhaahdo , Raad-raaca Taariikh Soomaaliyeed , wuxuu ku sheegay , In Aabihii Cali Ducaale , u dardaarmay markii geeridiisu soo dhawaatay , dardaarakan .

Maxaad ku jeclateen Heesaha ??

Inamo iyo Habloba walaalayaal waxaan idin leeyahay si cadaan ah imisa ayaa aduunyo ina dhaafay miyaynaan xaq isku lahayn inaynu waxa isku sheegno si degan oo waxa ku qaadasha leh.

Shirkii Muqdisho ee IGAD ma waxaa lagu shirqoolayay Madaxwayanaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir si loogu qabto.

 
Waxaa maalintii Ciida islaamka ee Ciidul Al-Udxa lagu soo beegay shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen madaxda wadamada ku bahoobay ururka IGAD,kaasoo si loo sugo amniga madaxda dhowrka ah ee ka timid wadamada Kenya, Uganda, iyo Ethiopia, lagu qabtay kulan socday mudo ka yar saacad oo keliya,

Saxiibkay ayaa Email Aakhiro iiga soo diray !!

Wakhti kasta oo aad firaaqo haysato waxa aad jeceshahay ,in aad furato Computar kaaga ,adigoo raba warar amma barnamijyo adiga kuu gaar ah in aad ka fiirsato .waa hadii aad tahay mid ku xidhan aalada Internadka .

Siyaasiyiinta iyo Madax-dhaqmeedka Somaliland midba waxbuu habeenkii ku seexdaa !


 
Waxa aynu halkan kusoo bandhigaynaa mala-awaal aan isleeyahay Siyasiyiinta iyo Madax-dhaqmeedka Somaliland qaar ka mida iyo midkastaaba waxa uu habeenkii marka uu sii seexanaayo ku fikiro agtiisa ugu muhiimsan :-

Taariikhda Magaalada Saylac Iyo Beeshii Asal Ahaan Degi Jirtay .

Saylac waa magaallo taarikh fog leh, oo ay adag tahay in la soo koobo taariikhdeeda, haddii aan wakhti badan la galin. Magacii hore ee loo yaqaanay magaalada wuxuu ahaa Avalites Saylac waa magaallo taarikh fog leh, oo ay adag tahay in la soo koobo taariikhdeeda, haddii aan wakhti badan la galin. Magacii hore ee loo yaqaanay magaalada wuxuu ahaa Avalites. Magaaladu waxay soo martay marxaldo kala duwan iyo maamullo fara badan.

Riyadii Qiyaamaha !!

waa qiso cajab badan oo aad kaaga yaabin doonta ,waxaan ka soo xigtay wiil walaalaha ehlu khayrka ah ka mida.

Si degdeg ah ayaan hurdo uga Toosay !

Waxan arkay iftiin iga yaabiyey Waxan is idhi iftiinka qolka
ayaa maanta wareersan oo nooc kale ah,

Kow iyo Toban calamadood oo uu leeyahay Saxiiibka amma saaxibada wanaagsani.

Saaxiibka wanaagsan iyo faa’iidada uu ku yeelan karo. Alle (SWT) waxa uu Qur’aankiisa Kariimka ku leeyahay "Ruuxii uu Sheydaan u noqdo saaxiib ayaa leh saaxiibka ugu xun". Halkaana waxa aad ka garan kartaa in nolosha ay qeyb weyn ku leeyihiin saaxiibadu.

WhatsApp sir malahee yuu ku sahayanin.


Wakhtiyadan danbe ee casriga ah waxaa so shaacbaxay, isla markana ay aqoonta tiknolajiyadu ina gaadhsiisay in aynu ku wada hadalno inaga oo yar iyo inaga oo tiro badanba ah aalada casiriga ah ee loo yaqaano WhatsApp .

WhatsApp waa aalad casiriya oo ka mida waxyabaha wakhtiyadan danbe lagu sameeyo xidhiidhka dad waynaha,aaladani waxa ay sahashay in dadyawga kala fog ee ku kala dhaqan daafaha aduunka ay ku wada xidhiidhi karaan.

Mucjisooyinka Quraanka iyo Axaadiista Qudhaanjadu way hadasha. W/Q: Sh Ibrahim Xirsi Galow.

Sida aynu marar badan ku xusnay daraasadaha koob kooban ee aynu ku soo qaadano Shareecadda Islaamka iyo cilmiga sayniska, waxaynu xusnay in markasta sayniska lagu cadeeyey shaybaadhku uu waafaqo Quraanka iyo Axaadiista Rasuulka NNKA.

Beenta Internatka lagu qoro oo faraha ka baxday.

Runtii wararka been abuurka ahi waa kuwo aad u halis badan, mararka qaarna ku gaadhsiin kara khadar aad u wayn,taasoo ay dhici karta in ay ku warwargaliyaan marka aad maqasho war si lama filaana kusoo gaadhay.

Xigmadahii Aduunka ugu waawaynaa qaar ka mida .

Bismillaah Arraxmaan Arraxiim.
ALLAAH ayaa mahad kulligeed iska leh, xaal uuyahay kan cirka dhisay dhulka gogley, buuraha muday, daruurahana wada. Rabiga quruumihii hore iyo kuwaan dambe, Rabiga samooyinka iyo dhulalka, Rabiga Malaa'igta & Rususha, Rabigaas oo ah kan-og xaalka quraanyo madoow oo habeen madoow dhagax madoow dushiisa kusocota.

Sedaxdii Ilmood ee yaraanta ku hadlay.

Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Reer banii Israa'iil dhexdood" saddex qof keliyaa iyagoo (ilmo dhashay) ah hadlay. Mid wuxuu ahaa nebi Ciise (C.S.) mid kalena wuxuu ahaa Jureyj Saaxiibkiis. Jureyj wuxuu ahaa nin saalix ah oo Cibaado badan,